Xukuumadda Wax-qabad iyo Wadajir oo Xoogga Saartay Wejiga Labaad ee Dhismaha Dawladnimada JSL

0
73

Xukuumadda Somalialnd waxay dardar-gelisay hirgelinta arrimaha ay ka midka yihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, daryeelka, iskaalmaysiga iyo horumarinta bulshada, amniga, caddaalada iyo maamul-daadejinta

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gashay wejigii labaad ee dhismaha dawladnimadeeda iyada oo xoogga la saarayo hir-gelinta iyo kobcinta arrimaha daryeelka, iskaalmaysiga iyo horumarinta bulshada, amniga, cadaalada iyo maamul-daadejinta. Qorshayaashan ayaa noqonaya tiirarka horumarka joogtada ah iyo dhismaha dawlad loo siman yahay.

Intii lagu guda jiray bishan May 2025, Golaha Wasiirrada iyo Madaxtooyada JSL waxay si wadajir ah u hirgeliyeen tallaabooyin iyo qorshayaal muuqda oo ku saabsan: sugidda amniga, horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo dhisidda nidaamyo lagu taageerayo dadka nugul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siineyso nabadda, horumarka, iyo u adeegidda bulshada Somailand. Waxaanu yidhi “Cid kasta oo dhaliisha xukuumadda, anagu uma jawaabayno; muhiimadeenu waa nabadda iyo horumarka dalka.”

Xukuumadda Somaliland ee waxqabad iyo wadajir ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxay muujisay hufnaan siyaasadeed iyo qorsheyaal qaran oo waxqabad. Dadaalladan is-daba joogga ah waxay dhidibada u taagayaan dhismaha qaran loo siman yahay oo dadka iyo deegaankuba ka qayb-qaataan hannaanka go’aan qaadashada, iyada oo la xoojinayo kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamka.

Qormo arrintaasi la xidhiidha ayaa Wargeyska Dawan Media Group, waxa uu ka diyaariyay warbixinno rasmi ah iyo warsaxaafadeedyo ka soo baxay fadhiyadii Golaha Wasiirrada iyo madaxtooyada JSL bishan May:-.

Arrimaha Maamul-daadejinta ee lagu Xoojinayo Dawlad-wanaagga:-

Golaha Wasiirrada JSL ayaa si qoto dheer uga dooday horumarinta nidaamka maamul-daadejinta (decentralization), tallaabadaas oo ah mid kor loogu qaadayo hirgelinta nidaam wanaagsan oo maamul, kaas oo ay go’aan qaadashadiisa ay qayb-ka-yihiin bulshada reer Somaliland ee heerarka gobol iyo degmo. Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyey in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban wasiirro iyo khubaro, si loo dardargeliyo qaab-dhismeed cad iyo qorshe maamul-daadejin oo ku saleysan Dastuurka Qaranka.

Dhaqaalaha Qaranka: Koboc Joogto ah

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa xusay in habsami-u-socodka ururinta cashuuraha, gaar ahaan GST, uu sare u kacay. Waxaanu yidhi “Waxa laga dareemayaa koboc muuqda oo miisaaniyadda iyo dakhliga dalka ah, arrintaas oo sare u qaaday kalsoonida gudaha iyo dibedda ee dhaqaalaha Somaliland.”

Diiwaan-gelinta Casriga ah ee Ciidamada Qaranka:-

Qaramaynta Ciidanka Madaniga ah iyo Nabadaynta Ceel-Afweyn:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Maxamed Yuusuf Cali, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey horumarka laga gaadhay qaramaynta ciidamada madaniga ah, diiwaangelinta casriga ah ee ciidamada, iyo dadaallada lagu xoojiyay nabadaynta deegaanka Ceel-Afweyn. Arrimahan ayaa ah kuwo muhiimad weyn u leh midnimada iyo xasilloonida gudaha Somaliland.

Daryeelka Agoonta: Madaxweynaha JSL oo ku Dhawaaqay Sanduuq Qaran:

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah u daah-furay Sanduuqa Qaranka ee Daryeelka Agoonta, isaga oo xukuumad ahaan ku shubay lacag dhan $100,000 dollar. Waxa uu xusay in sanduuqani uu noqon doono tiir lagaga jawaabo baahiyaha carruurta agoomaha ah, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, iyo nolol-maalmeedka.

Madaxweynaha JSL waxa uu si rasmi ah u ballan-qaday in xukuumaddiisa waxqabad iyo wadajir ay si buuxdsa u kafaalo-qaadayso waxbarashada, caafimaadka, daryeelka iyo shaqo-siinta carruurta agoomaha ah ee ku jira xarumaha agoomaha.

Maalinta Qaran ee Is-kaalmaysiga Shacabka (10-ka May):-

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay maalin qaran oo cusub: Maalinta Is-kaalmaysiga Shacabka, taas oo sannad kasta la xusi doono 10-ka May. Ujeeddadu waa in la dhiirri-geliyo dadaallada bulsho-wadaagga, sadaqada, wacyigelinta bulshada iyo bixinta kaalmo dadban oo lagu daryeelo dadka nugul.

Horumarinta Beeraha iyo Iskaashi Caalami ah:

Madaxweynaha ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta sare ee shirkadda African Food Security, oo muujiyey xiisaha ay u qabaan maal-gelinta wax-soo-saarka beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Somaliland. Waxa ay ballan qaadeen in ay dalka ka hirgeliyaan barnaamijyo casri ah oo wax-ka-bedelaya wax-soo-saarka iyo suuq-geynta dhoofka dalagyada dalka.

Gunaanad:-

Waxaa muuqata in Jamhuuriyadda Somaliland ay gashay wajigii labaad ee dhismaha dawladnimadeeda iyada oo diiradda saaraysa daryeelka bulshada, iskaashiga caalamiga ah, iyo hirgelinta maamul wanaag iyo maamul-daadejin dhab ah, si kor loogu qaado wacyiga iyo ahdaafta horumarka iyo dawlad dhiska.