- Afara arimood yartaantood ayaa ku dhibta, xanuunka, Fakhriga, Cadowga iyo dabka.
- Ha degin meel aan dhakhtarย ama caalam aqoon iyo cilmi ku baraa joogin.
- Qofka ku weydiista waxaanad awoodin, wuxu rabaa waa maya.
- Mar kasta xusuusnow geerida, Noloshaadu way guulaysane. Wanaag same, isaga ayaa dhibaatooyinka gaashaan kaaga noqon.
- Ku Mahadnaq wanaaga, Allah (sw) ayaa kuu kordhin.ย Ku sabir dhibaatada Allah (sw) ayaa kaa dulqaadiye.
- Biyaha milixda ah ee badda samada ayay ku uumi baxaan waxayna noqdaan daruuro , haddana dhulka ayay ku soo noqdaan iyagoo roob biyo macaan ah.
- Qalbigaaga ku xidh samada, ka dibna sida uu kuugu soo noqdoโ.ย ย Ibunu Qayim Aljawsi.
- Nebi Nuux (cs) mar keliya ayuu u dhowaaqay xayawaanada oo dhan, way ajiibeen oo doonidii wada koreen, Isagoo 950 sano ugu baaqayay Basharka diinta, oo iyaguna ay diideen oo doorteen halaaga qaraqa. Dareenka fiican ayaa ka wanaagsan quluubta Bugta.
- Duruuftu cudurdaar kuuma noqonayso, waa adiga ka dooranaya jidka toosan.
Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunaha iyo dhex dhexaadnimada