“Ilaalinta Saacadaha Shaqada ee Hoggaamiyahu Waxay Suura-Gelisaa Horuumar la Gaadho”

0
104

Qore Cabdillaahi A. Caarshe

Ilaalinta Saacadaha Shaqada iyo in aad waqti dheeraad ah ku darto, waxay Hogaamiyaha u suuragelisaa Horuumar dalkiisu gaadho, waxayna ka yaraysaa werwerka (Leader can Achieve more and Reduce Sress).

Masuuliyadda ugu wayn ee saaran Madaxweynaha Qaranka ayaa ah ilaalinta saacadaha shaqada, taasoo keenaysa in ay iyana ilaaliyaan dhammaan saacada shaqada masuulinta kale ee Qaranka xilalka haya iyo guud ahaanba shaqalaha Dowladduba, saacadaha shaqada oo la ilaaliyaa waxay mid tahay Dowladda Wanaaga (Good Governance), waxayna meesha ka saartaa in ay dayacanto masuuliyadda Qaranka loo hayo, waana astaamaha Horuumarka in la ilaaliyo saacadaha shaqada.

Hadaba waxaan qoraalkan kooban u soo qaatay aniga jooga Imperial Hotel oo dhinaca koonfureed ka xiga Madaxtooyada ayaa waxaa 5:40 galabnimo igu dhaafay Madaxweynaha Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo si caadi ah isaga soconaya kana soo rawaxay shaqada, una sii jeeday Gurigiisa, ka dibna waxaan is weydiiyey Madaxweynaha waqtigaa soo rawaxay intee saacadood buu shaqeeyaa maalintii? Sida saxda ah marka shaqada uu soo galay 7:00 subaxnimo oo ah waqtiga shaqada la soo galo waxay noqonaysaa in uu shaqeeyo 11 saacadood iyo badh, taasoo muujinaysa in Madaxweynuhu shaqeeyo maalin dhan oo noqonaysa ku dhowaad lix ilaa lix.

Hogaamiyaha shaqeeya Saacadaha badan waxaa lagu tilmaamaa, Hogaamiye leh karti hogaamineed ( Effective Leadership), sidoo kale waa hogaamiye ku guulaystay in u habeeyo, adkeeyo waqtiga saacadaha shaqada (strong Time Management Skills), iyadoo arrintani ay keenayto Horuumar, Maamulka wanaag, isla xisaabtan, kor u qaadista tayada Hay’adaha Dowladda, in ay soo baxaan dad hawl kar ah, sharciga oo si fiican u shaqeeya iyo in shacabku jeclaadaan Dowladdimada, helaana adeegyada aas-aasiga ah.

Hogaamiyeyaasha Afrika ee saacadaha ugu badan shaqeeya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame, waxaana uu Dalkiisa gaadhsiiyey Horuumar, wuxuuna masuulinta Dowladdiisa ku ilaaliyaa Saacadaha Shaqada.

Waxaa uu noqonayaa Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Madaxweynihii ugu shaqada iyo Xafiis joogista badnaa intii Somaliland jirtey, waxayna taasi wax wayn ka bedelaysaa nidaamkeena Dowladdimo.

Cabdillaahi Axmed Caarshe