Kuuriyada Waqooyi oo xabsiga u taxaabtay saddex sarkaal oo shaqaalaha Maraakiibta ah

0
271

Kuuriyada Waqooyi ayaa xabsiga dhigtay saddex sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha maraakiibta sababo la xidhiidha shil dhacay intii lagu guda jiray bandhigga markab dagaal oo cusub Arbacadii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Mid ka mid ah Markab burburiyaha ah ee tankiisu yahay 5,000-tan ayaa la jajabiyey intii ay socotay xafladda soo bandhigidda, taas oo ka dhigaysa in markabka aanu istaagi karayn.

Baadhitaanka dhacdadan oo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu ku tilmaamay “fal dambiyeed” ayaa weli socda.

KCNA, oo ah wakaalada wararka ee Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in dadka la xidhay ay ka mid yihiin madaxii xarunta dhismaha maraakiibta waqooyiga Chongjin oo lagu sameeyey burburiyahan, madaxii dhismaha iyo maareeyaha maamulka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in saddexdaasi qof ay mas’uul ka ahaayeen shilka dhacay.

Jimcihii, KCNA waxay sheegtay in maamulaha goobta markabka, Hong Kil Ho, ay u yeedheen sharci-fuliyayaasha.

Sawirro laga soo qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinayay markabka oo dhinaciisa yaalla oo ay ku daboolan yihiin Shiraac waaweyn oo buluug ah, waxaana ka ag muuqda markab dekeda ku xidhan.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ma aanay sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah xilligaas, iyada oo hoos u dhigtay khasaaraha ka dhashay.

KCNA ayaa ku warantay in aanay jirin wax daloolo ah oo ku yaal markabka guntiisa – taas oo liddi ku ah warbixinadii hore.

Kim waxa uu sheegay khamiistii in shilku uu ka dhashay “taxadir la’aan, mas’uuliyad darro.

Waxa uu intaa ku daray in kuwa sameeyay “khaladaadkan mas’uuliyad darada ah ” tallaabo laga qaadi doono shir loo dhan yahay bisha soo socota.

Ma cadda ciqaabta ay la kulmi karaan, laakiin dawladda kali-taliska ahi waxay leedahay xaalad xun oo xuquuqda aadanaha ah.

Waa wax aan caadi ahayn in Kuuriyada Waqooyi ay si cad u shaaciso shilalka maxalliga ah – in kasta oo ay tan samaysay dhawr jeer oo hore.

Shilkan gaarka ah ayaa imanaya todobaadyo ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo bandhigtay mid la mid ah 5,000 oo tan oo wax burburiya, loo yaqaano Choe Hyon.

Kim ayaa ku tilmaamay markabkaas dagaal “horumar” ku keenay casriyeynta ciidamada badda ee Kuuriyada Waqooyi, wuxuuna sheegay in la geyn doono horaanta sanadka soo socda.