Wuxu Rumaystay In Aanu Xor Noqonayn!

0
81

Nin dalxiise ah ayaa booqday xarun maroodayaasha lagu xanaaneeyo. Dalxiisaha ayaa aad ula yaabay in Maroodiyaasha ay lugaha kaga xidhan yihiin xadhig aad u khafiif ah oo ay si fudud uga iska goyn karaan isla markaana u baxsan karaan.

Waxa ay ahaayeen maroodiyaashu kuwo aan dan ka lahayn oo fursadan aan si fiican u arkayn. Ninka oo aad ula yaaban ayaa weydiiyay tababaraha xarunta sababta ay xadhiga adag ugu xidhi waayeen si aanay iskaga goyn maroodiyaasho oo aanay u baxsan.

Tababarihii ayaa ugu jawaabay:

Waxa aanu xadhigan ku xidhi jiray Maroodiyaasha markii ay yaryarayeen, waxaana la gaadhay wakhti ku filan in meesha lagu hayo lagana ilaaliyo in ay baxsadaan. Markii hore, Maroodiyaashu waxay isku dayeen inay iska xoreeyaan xadhigga, laakiin way ku guuldareysteen mar kasta oo ay isku dayaan inay iska jaraan madaama ay ahaayeen kuwo daciif ah oo yaryar. Markii ay weynaadeen, waxa ay bilaabeen in ay rumaystaan โ€‹โ€‹in aanay waligood iska xorayn karin si kasta oo ay isugu dayaan, sidaas ayayna iskaga daayeen oo la qabatimeen.!

Xikmadda waa: Waayo-aragnimada adag iyo guul-darrooyinka soo noqnoqda waxa ay dadka qaarkood ka dhigaan kuwo aan rajo ka qabin, kuna kalsoonayn awooddooda iyo inay guulaystaan, ugu dambayntiina u horseedda inay quustaan โ€‹โ€‹oo joojiyaan isku day kasta oo guul ay ku gaadhi lahaayen.