Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Xidhiidhka kubbada Miiska (Table Tennis) ee Somaliland Muuse Xaashi Cabdilaahi ayaa ka war bixiyey hawlihii u qabsoomay muddadii uu jiray xidhiidhku, waxana uu tilmaamay in Somaliland laga hirgaliyey 12 tartan ciyaareed oo kala duwan, iyo tartanka Horyaalka ciyaarta miiska ah.
Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyay wariye Cabdiwahaab Daahir oo ka tirsan Wargaysaka Dawan, waxa kale oo uu ka xog-waramay sooyaalka iyo taariikhda xidhiidka kubada miiska Somaliland, kaas oo uu tilmaamay in uu soo maray marxalo kala duwan,kana soo gudbay caqabado badan, maantana uu yahay xidhiidh dhisan.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha kubada Miiska Somaliland Muuse Xaashi Cabdilahi isaga oo faahfaahinka bixiyey wakhtigii xidhiidhkan la aas aasay iyo sidoo kale waxyaabihii u qabsoomay intii xidhiidh ku jiray, waxa uu yidhi “Xidhiidhka Ciyaaraha Kubadda Miisku waa xidhiidh ka mid ah xidhiidhada kala duwan ka jira Somaliland kaasi oo Wasaaradda Ciyaaraha iyo Jamhuuriyadda Somaliland ba u qaabilsan Ciyaaraha Miiska, waxa la aas aasay xidhiidhkan sannadkii 2017 kii, waxaana uu xidhiidh rasmi ah oo doorasho ku yimid noqday sannadkii 2022-kii, Tan iyo markii Xidhiidhka Ciyaaraha Kubada Miiska (Table Tennis) la aas aasay waxa noo suurto gashay oo aanu qabanay tartamo kala duwan ku waas oo iskugu jira heerar kala duwan, waxay ka kooban yihiin ciyaaraha aanu qabanay 12 ciyaarood oo ah kuwa lagu ciyaaro Miiska.”
Guddoomiye Muuse Xaashi ayaa sharaxaad ka bixiyey kaalinta ciyaartan lagu ciyaaro Miiska dushiisa ay kaga jirto Ciyaaraha kale ee dunida iyo wadankeena ba, waxaanu sheegay in ay tahay dunida kubadaha ugu muhiimsan ee aadka looga ciyaaro, isla markaana ay ciyaaraan bulshada qaybaheeda kala duwani, balse ay tahay mid kooban waddankeena iyada oo Xidhiidhkanina yahay kii ugu horreeyey aas aasa ciyaaraha noocan oo kale ah.
Guddoomiye Muuse Xaashi oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ciyaartan la yidhaahdo Table Tennis ka ama kubadda Miisku runtii waa ciyaar dalkeena ku cusub, fahamkeeda bulshada madaxda dalkuba waxaad moodaa inuu aad u liito, balse dadaalkayaga meel fiican baannu gaadhsiinay, walaw aanan gobolada dalka ciyaartan ka hirgalin, haddana gobolada qaar waxa noo jooga wakiilo, dhawaan waxanu jaraynay in ciyaartani gobolada dalka ka hirgasho”
Mar kale guddoomiyaha xidhiidhka Ciyaaraha miiska Somaliland oo aan wax ka waydiinay inuu bal dadka aan ciyaartan aqoon qaabka loo ciyaaro si kooban ugu sharaxo ayaa waxa uu ku jawaabay “Haddii aynu dadka aan garanayn ciyaartan si fudud ugu sharaxno, waa ciyaar lagu ciyaaro meel dadan oo disha ka xidhan, ciyaartan waxa loo ciyaaraa 3 nooc, mar laba ciyaar yahan ayaa wada ciyaara, marna 4 ciyaar yahan ayaa wada ciyaara oo lababa ay isku dhinac yihiin, marna isku jir ayaa la yidhaah oo waa marka qaanuunka caalamiga ah ee ciyaartan u yaal loo eego waxa wada ciyaara 4 qof oo laba dumar yihiin labana Rag yihiin, balse inagu maadaama aynu nahay dad Muslin ah taasi ma ciyaarno oo Diinteena ayaa inaga reebaysa, waxana kubadan lagu ciyaaraa miis dushii oo dhexda ka qaybsan kaasi ciyaar yahanadu ay labada dhinac ka is taagaan”
Waxa kale oo uu guddoomiyuhu intaasi ku daray “Maadaama oo Somaliland aanay ahayn dal la aqoonsan yahay, xidhiidhada kala duwan ee Somaliland na aanay heli maalgalinta ururka ciyaaraha aduunka ee FIFA xidhidh kasta oo dalka ka jiraana aanu helin dhigiisa oo maal galiya, waxa si guud ciyaaraha oo dhan u maal galiya Wasaaradda Ciyaaraha oo ay si dadban ula shaqeeyaan ama ay ka tirsan yihiin, mashruuca kharashka ciyaaraha ayaa laga maal galiyaa inkastoo mashruucaasi u janjeedho dhinaca ciyaaraha kubada cagta anaga ka xidhiidh ahaan waxa naga soo gaadhaa aad buu u yar yahay”
Muuse Xaashi ayaa hoosta ka xiiriiqay caqabadaha ugu badan ee intii xidhiidhku jiray haystay ilaa iyo maantana aanay u helin wax xal ah balse u baahan si xidhiidhku u qabto tartano heerarka kala duwan ee kubada miiska ah ayuu ku sheegay in aanu xihdiidhku lahayn wax garoon u gaar ah , waxa uu intaas ku daray in miiska hada lagu ciyaaro ka gudoomiye ahaan uu jeebkiisa ka soo iibiyey isagoo arimahaasi faah faahinaya ayaa waxa uu yidhi “Caqabadaha ugu wayn ee na haysta waxa ka mid ah in aanu xidhiidh kani lahayn garoon u gaar ah oo dhalinyarada ciyaarata kubadda Miisku ay ku ciyaaraan, miiska lagu ciyaaro ka gudoomiye ahaan anigaa soo iibiyey oo jeebkayga ka bixiyey, qaranka na miiskaa aan soo iibiyey ayaan ugu shaqeeyaa, insha Allah waxan xukuumada cusub ka rajaynayaa in ay gacan nagasiin doonto”
Gabagabadii gudoomiyaha xidiidhka ciyaarta Miiska ee Samaliland ayaa su,aal aanu ka waydiinay inay jiraan in xidhiidhku ciyaar yahano reer Somaliland ah dibada u direen si ay ugasoo qayb galaan tartamo dibadeed ayaa waxa uu ku jawaabay in aanay jir wali wax ciyaartoy ah oo ay dibada u direen balse hadda ay qorshaynayaan sidii ay tartamo dibadeed ugu yaraan wadamada jaarka ah ugu diri lahaayeen.