Qoraalka Iyo Saadaasha Mustaqbalka

0
69

Aad ayay u badan yihiin buugag la qoray qarniyo hore oo lagu soo bandhigay saadaasha xadaaradda maanta caalamka jirta.   Muuqaalada ay qorayaashu saadaaliyeen ayaa muujinaysa caalam cusub oo aan qofana wakhatiaasi aanu rumaysan karayn.

Qoraagii Faransiiska ahaa ee lagu magacaabi jiray Jules Verne ayaa sanakii 1863 wuxu qoray riwaayad uu magaceeda u bixiyay Paris iyo qariniga labaatanaad.

Qoraalkaasi ayuu ku sheegay in qarniga 20aad ay Paris ka dhismi doonaan fooqyo dhaadheer oo daruuraha ku dhowaada  oo weliba wada quraarad ah, waxa kale oo uu sheegay inay yeelan doonto Tareeno dheereeya iyo gaadiid ku  sheqeeya Shidaal.