Xildhibaan Cabdikariim SheeKh Cumar Sheekh Furre
Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdikariim SheeKh Cumar Sheekh Furre oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ka hadlay xaalada dalka Somaliland ku sugan yahay, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado difaaca dalka, midnimada iyo isku duubnida shacabka Somaliland.
Cabdikariim SheeKh Cumar Sheekh Furre oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Mucaarad iyo Muxaafad ba meel looga soo wada jeesto difaaca qaranimada Somaliland, isla markaana la xoojiyo wadajirka iyo midnimada ummadda.
Cabdikariim SheeKh Cumar oo arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in la difaaco dalka Somaliland, waxa ugu weyn ee lagu difaacayaana waa midnimo iyo isku duubnida bulshada reer Somaliland. Mucaarad iyo Muxaafad ba waxa aan leeyahay meel ha looga soo wada jeesto difaaca qaranimada Somaliland, muranka dhexdeena ha la joojiyo. Madaxdhaqameedka waxa aan leeyahay way soo afjarantay murankii dhexdeena ee aynu qadiyadii aynu 34 sanno soo wadnay ayaa loo baahanyahay in dhinac looga soo wada jeesto. Xukuumadda aan ku barbar istaagno habka ay inoo jihayso, muranka dhexdeenana aynu ka foojignaano, Madaxweynaha qarankana waanu barbar taaganyahay”.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu ku ammaanay Madaxweynaha Somaliland kulanka wada-tashiga ah ee uu la qaatay saddexda Xisbi qaranm waxaana uu yidhi “Waxaan madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ku hambalyaynayaa, kulankaa uu isugu yeedhay saddexda xisbi qaran oo ujeedadiisa ugu wayni ahayd in talo wadaag qaran la yeesho. Wadatashiguna waa arin farxad leh, waxaan rajaynayaa in kulankaas ay arimo fiicani ka soo bixi doonaan”.




















