Qisaska iyo Qawlaysatadii Sicily!

0
337

Marka la yimaaddo wararaka mala awaalka ee ka faafay asalka magaca Mafia. Haddana Magacan ayaa ka soo shaac baxay jasiirada Sicily  ee ku taalla dalka Talyaaniga horaantii qarnigii 19aad. Waxaana markii u horaysay loo bixiyay nin aad u xun oo deegaankaasi ku noola , kaasi oo ahaa budhacad cadaw ahaa.

Sanadkii 1863 waxa magaca Mafia loo isticimaalay denbiyada abaabulan ka dib markii la dhigay riwaayad caan noqotay aadna loo xiiseeyay  taasi oo loo bixiyay “ The Mafiosi of Vicario” “ Budhacaddii Vacario” waxaana ay soo bandhigtay riwaayaddu koox qawlaysto ah oo leh dhaqanka iyo caadooyinka Mafiyada maanta dunida jirta.

Waxase iyana yaab noqotay in kooxaha Mafiyadu aanay iyagu jeclayn in loogu yeedho magacan waxayna ka doorbidan magaca “ Cosa Nostra” oo macnaheedu yahay “ hawshani waa arin noo gaar ah” .

Arrimha ka qayb qaatay deegaanka Jasiirada ay ku kortay Mafiyadu ayaa ah iyadoon xukuumadda Talyaanigu aanay ahmiyad siin amaanka tuuladda Sicily oo ka mid ahayd dalka Talyaniga. Horaantii qarnigii 19aad jasiirdan waxa keliya ee joogay Booliis dhan 350 oo intooda badani ay caasimadda Palermo saldhig ku lahaayeen.  Iyadoo Tuulooynka kale aanay booliis joogin.

 

Dadka dhulka leh, ganacsatad iyo kuwa xirfadlayda ah ayaa u baahnaa inay helaan cid ka ilaalisa cadhada tuugta iyo budhacadda, sidaas darteed waxay la xidhiidhi jireen madaxda Mafiyad si ay u ilaaliyaan iyagoo bixin jiray lacago baad ah. Mararka qaarood madaxda Maafiyada ayaa ku soo rogi jiray lacag iyagoo aan dadku codsan. Nidaamka caga juglaynta iyo weeraradu wuxu u eegaa kii ay Carabtii hore ku dhaqmi jireen markii uu sharcigu maqna ee aanu Islaamku soo bixin.

Dan Vanucci ayaa ah hogaanada Maafiyada, Waxaana uu jaarkiisa ku khasbi jiray baad si looga ilaaliyo budhcadda dhibteeda.  Sheekada  Dan Vanucci maaha mid khayaali ah waa mid ku tiirsan nolosha raggii caanka ah ee qawlaystadii  aan naxariista aqoon ee Ignazio Lupo.