Dawooyin iyo Dhakhaatiir la Gaadhsiiyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Hawd

0
264

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Sayla(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi,ayaa gaadhsiiyay deegaano ka tirsan gobolka Hawd dawooyin agab caafimaad iyo kooxo dhakhaatiir ah oo gacan ka gaysta baahiyaha adeegyada caafimaad ee deegaanadaas ka jira.

Wasiirka horumarinta Caafimaadka iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tegay deegaanada Ina cunaaye, Baargoo iyo Sayla ee Gobolka Hawd iyagoo halkaas gaadhsiiyay agab caafimaad, dawooyin iyo koox dhakhaatiir ah oo loogu talagalay in ay gacan ka geystaan adeegyada caafimaad ee degaanadaas.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay meelaha ay booqdeen waxaana si rasmi ah ay deegaan kasta ugu wareejiyeen qalabkii iyo daawooyinkii wasaaraddu ugu talo gashay.

Wasiirka waxaa safarka ku wehelinayay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Hawd, iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Weftiga,ayaa sidoo kale la kulmay maamulka iyo bahda caafimaadka ee deegaanada, iyaga oo warbixin ka dhagaystay xaaladda guud ee adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo caqabadaha ay la tacaalayaan.

Wasiirku waxa uu bulshada kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan adeegyada caafimaad ee ay bixinayaan dhakhaatiirta la keenay, isla markaana ay si wanaagsan u soo dhaweeyaan ulana shaqeeyaan. si si wadajir loogu hirgeliyo daryeel caafimaad oo tayo leh.