Gurmadka Xukuumadda JSL ee Abaaraha:- Masuuliyad iyo Daryeel Bani’aadannimo

0
194

 

Qore: C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si hufan, xilkasnimo iyo damqasho leh uga jawaabtay xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha ba’an ee saameeyay gobollada xeebaha dalka, gaar ahaan Awdal, Selel, iyo Saaxil. Gurmadka raashinka ee degdega ah oo la gaadhsiiyey in ka badan 4,200 qoys ayaa cadeynaya in xukuumaddu leedahay karti fulineed iyo masuuliyad dhab ah, taasoo ka tarjumeysa dawladnimo mas’uuliyad ku dhisan tahay.

Xukuumadda JSL kumay ekaanin hadallo iyo ballanqaadyo kaliya, balse waxay si muuqata u hirgelisay qorshe gurmad oo qoto dheer, kaas oo si gaar ah u bartilmaameedsaday deegaanada xeebaha ah. Tani waa astaan cad oo muujinaysa go’aan siyaasadeed oo ku wajahan sinnaanta iyo horumarinta dhammaan qaybaha bulshada.

Maareeyaha Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Saomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), ayaa muujiyay dedaal heer sare ah oo ku dhisan hufnaan, firfircooni iyo daacadnimo, isaga oo si cad uga warbixiyay baahiyaha jira iyo tallaabooyinka la qaaday. Waxa mudan in la amaano sida xukuumaddu uga go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada, iyo bulshada rayidka ah si gurmadkani u noqdo mid waxtar leh oo saameyn togan leh. Waa tallaabo muujinaysa hufnaan siyaasadeed iyo daacadnimo, taas oo lagu kalsoonaan karo in xilkasnimo iyo mas’uuliyad lagu hagayo maamulka guud ee dalka.

Xukuumaddu si buuxda ayay u fahamsan tahay in jawaabta abaartu aanay ku ekaanin gargaarka degdega ah iyo raashin qaybin, balse ay tahay fursad lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah iyo samatobixinta bulshooyinka nugul, kalsooni iyo mideyn.

Tani waa dhabbaha horumarineed ee mustaqbalka fog ee Somaliland.

Xukuumadda Cirro waxay si hufan uga jawaabtay xaalad adag, iyada oo muujisay karti hoggaamineed, hufnaan iyo go’aan qaadasho degdeg ah oo ku saleysan danaha shacabka. Waxaana muuqata himilada iyo hamiga xukuumadda ee ku wajahan dhismaha Somaliland oo midaysan, barwaaqo ah, isla markaana u adeegta dhammaan bulshada.

Gurmadkan ayaa ku dhisnaa qiimayn qoto dheer oo muddo 11 cisho ah lagu sameeyay deegaanada abaarta ugu daran, taasoo ka dhigtay gurmadka mid ku dhisan xog sax ah iyo mudnaan xeel dheer. Degmooyinka sida Lughaya, Boomara, Baki, Saylac, Laasciidle, Laasa-Dacawo, Bullaxaar iyo Madheera ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsaday, iyada oo la tixgeliyey xaaladaha deegaanka iyo baahiyaha dadka.

Iskaashiga hay’adaha xukuumadda JSL sida Hay’adda u Diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo wasaaradda qorshaynta, dib u dejinta iyo waliba hay’adaha caalamiga ah sida WFP ayaa ah mid muuqda, iyadoo la wada qabanqaabinayo gurmad si fiican loo qorsheeyay. Wadashaqeyntan ayaa waxay cadeyneysaa bisaylka siyaasadeed iyo kartida maamulka Somaliland ee maaraynta xaaladaha degdegga ah.

Maareeyaha Hay’adda kayd Raashinka Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), ayaa si daacadnimo leh u sheegay in dhaqaalaha xukuumadda uu xaddidan yahay, taasoo keentay baaq ah in ganacsatada, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah ay gacan ka geystaan gurmadka.

Tani waa wicitaan muhiim ah oo muujinaya baahida midnimo qaran iyo iskaashi ballaadhan. Guusha gurmadkani waa masuuliyad qaran oo u baahan ka qeybgalka dhammaan dhinacyada bulshada, dawlad, ganacsato, hay’ado samafalka iyo bulshada rayidka oo is garabsanaya.

Gurmadkan raashinka ah ee la gaadhsiiyey dadka abaarta dabada dheeraatay haleeshay ayaa ah kaalmadii ugu horaysay ee la gaadhsiiyo tan iyo intii laga soo sheegay deegaana daasi qaylo-dhaanta abaareed, walow baahida abaareed ee ka jirta miyiga degmooyinka hoos yimaad gobolada Awdal iyo Saaxil ay baahida dadku u qabaan Raashin ka iyo Biyaha ay ka balaadhan tahay deeqda raashinka ah ee loo diray hadana waxay noqon kartaa dhiig joojin wax lagaga qabto baahida dhanwalba leh ee dadkaasi haysata wakhti xaadirkan.