Israa’iil oo Duqaymo ku Dishay 53 Qof oo Falastiiniyiin ah

0
315

Ugu yaraan 53 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay Marinka Gaza tan iyo subaxnimadii Axadda, xilli Israa’iil ay hore u shaacisay inay bilaabayso xabad joojin ku-meelgaadh ah oo lagu xaqiijinayo marin u helidda gargaarka bini’aadantinimo. Tallaabadaas oo loo qorsheeyay inay socoto maalin kasta 10:00 subaxnimo ilaa 8:00 fiidnimo (07:00–17:00 GMT) ayaa la sheegay in aanay horseedin hakad dhab ah oo lagu joojiyo weerarrada lagu hayo deegaannada al-Mawasi, Deir el-Balah, iyo Gaza City.

Xaaladda ayaa sii xumaatay iyadoo hay’adaha samatabbixinta iyo caafimaadku ay xaqiijiyeen dhimashada lix qof oo kale oo u geeriyooday gaajo, taas oo ay sababtay go’doominta baahsan iyo xannibaadda gargaar ee saaran Gaza. Waxaa la sheegay in carruur ay ku jiraan dadka gaajada u dhintay, taas oo muujinaysa heerka nafaqo-darro ee halista ah ee ka jira gudaha Marinka Gaza.

Warbixinnada rasmiga ah ee la helay ayaa tilmaamaya in tirada dadka ku dhintay Gaza tan iyo bilowgii duullaanka Israa’iil ee bishii Oktoobar 2023 ay kor u dhaaftay 59,700, halka dhaawacyadu ay gaadhayaan 144,000 qof. Dhinaca Israa’iil, weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023 ayaa sababay dhimashada 1,139 qof iyo afduubka in ka badan 200 kale.

Inkasta oo xabad-joojinta ku-meelgaadh ah ay u muuqatay tallaabo xagga gargaarka loogu danaynayo, haddana dadka deegaanka iyo hay’adaha bini’aadantinimo waxay ku andacoodeen in aanay wax isbeddel ah ku keenin nolosha maalinlaha ah ee dadka rayidka ah.