Somaliland iyo Midowga Yurub oo Is Afgarad ka Gaadhay Bilawga Mashruuca Higher Education

0
160

 

Qore: F  aysal Xiis Afgaab

Nairobi (Dawan:- Agaasimaha Guud ee Komishanka tacliinta sare ee Somaliland Mudane Aadan Jaamac Ducaale oo socdaal shaqo ku jooga xarunta dalka Kenya ee Nairobo, ayaa xarunta guud ee EU Mission ee Kenya, kulan kula qaatay Sanne Williams, Team leader of Public sector and Social Services.

Agaasimaha guud ayaa ugu horeyn uga mahadnaqay midowga Yurub dedaalka badan ee ay ku bixiyeen guud ahaan waxbarashada Somaliland iyo si gaar ah wada shaqaynta ay la leeyihiin KTS ee Somaliland. Agaasimaha guud ayaa warbixin ka siiyey Mss Sanne, halka ay marayso xaalada guud ee tacliinta sare ee JSL, horumarka uu sameeyey KTS iyo caqabadaha jira.

Ugu danbayntii agaasimaha guud ayaa ka hadlay mashruucii ugu danbeeyey ee ay wada fuliyaan KTS iyo Midowga Yurub “HIGHER EDUCATION SYSTEMS STENGTHENING IN SOMALILAND (HESSS)”, mashruucaas oo agaasimaha guud ka waramay muhiimadiisa, meelaha KTS ee JSL ay sannadkan danaynayaan inuu xooga saaro iyo sida ay muhiim u tahay in dib loo bilaabo.

kulankaas ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad iyo in midowga Yurub ay balanqaadeen inay dib ubilaabayaan mashruucaas dhamaadka sannadkan 2026 taas oo ah guul wax ku ool ah.