Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Safiirka cusub ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Israel Danjire Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in safiirnimadiisu aanay ku koobaan doonin oo kaliya Dalka loo magacaabay ee Israël balse uu ka hawlgali doono waddamo kale oo kala duwan.
Safiirka idman ayaa sidoo kale u mahad celiyey shacabka Somaliland iyo Madaxweyne Cirro,waxaanu ballan qaaday in qaddiyada qaranka Somaliland in uu gaadhsiin doono meel kasta isla markaana uu garaaci doono albaabo badan oo Somaliland u baahan tahay in warkeedu gaadho.
Waxaanu yidhi. “Magacaabistayda Safiir leh Awoodda Buuxda oo Dhammaystiran waxa ay ka hawl-geli doontaa dalal badan oo kale. Ma noqon doonto mid ku ekaata hal dal oo keliya, waxa ay garaaci doontaa albaabo hor leh, waana mid ku shaqayn doonta aragti fog iyo himilo qaran oo ku saleysan ballaadhinta saameynta iyo joogitaanka Somaliland ee fagaareyaasha caalamiga ah.
Waxaan si cad u ballanqaadayaa inaan ku shaqeyn doono daacadnimo, karti, iyo go’aan adag si aan u xaqiijiyo himilooyinka qaranka, anigoo mudnaanta koowaad siinaya xoojinta iyo qotodheereynta xidhiidhka labada waddan (Strengthening Somaliland-Israel Relations) si uu u noqdo mid adag, istiraatiiji ah, oo waara. Mid ku dhisan xidhiidh iskaashi buuxa oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, diblomaasiyadda, iyo horumarinta ah, si loo xaqiijiyo dano wadaag, xasillooni gobolka ah, barwaaqo iyo xaqiijinta difaac mustaqbal dheer leh.” Ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee dalka Israa’iil dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay.




















