“Somaliland Waxay u Gudubtay Diblomaasiyad ku Salaysan Danaha Is-weydaarsiga”

0
141

Qore Axmed. M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo uu baahiyay Telefishanka TV5 Monde ayaa si qoto dheer u lafa-gurtay wejiga cusub ee diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeeladaha firfircoon ee ay xukuumaddu ku wajahday dariiqa aqoonsi raadinta. Ka dib 35 sanno oo halgan diblomaasiyadeed ah, warbixintu waxay iftiimisay isbeddellada siyaasadeed ee ka curtay Geeska Afrika, iyo sida aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland uu u saameeyay jihada cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Warbixinta TV5 Monde waxay muujisay in xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay ka gudubtay wejigii hore ee siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, oo markii hore ku koobnaa kaliya sheegashada xaq-u-lahaanshaha aqoonsiga caalamiga ah, isla markaana ay gudubtay weji cusub oo ku dhisan diblomaasiyad dhaqaale oo firfircoon, dan-wadaag iyo wax-is-dhaafsi. Waxaa sidoo kale lagu xusay in Somaliland ay isu soo bandhigtay dunida, gaar ahaan Mareykanka, iyada oo muujisay inay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo lama huraan u ah loolanka ka socda Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.

Warbixintu waxay tilmaantay in gudaha Mareykanka laga dareemayo isbeddel ku yimid aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay la arkayay xiisaha sii kordhaya ee ku wajahan Somaliland. Sidoo kale warbixintu waxa ay tilmaanay in aqoonsigii caalamiga ahaa ee dawladda Israa’iil ee dabayaaqadii 2025, uu Jamhuuriyadda Somaliland u furay albaab cusub oo kor u qaaday doodda aqoonsiga Somaliland ee gudaha Mareykanka.

“Waxa xiiso leh in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay in xubno muusaan culus oo siyaasadeed ku leh dalka Maraykanka gaar ahaan xubnaha xisbiga Jamhuurigu ay u ololeynayeen in Mareykanku aqoonsado Somaliland, waxaana ka mid ah Senator Ted Cruz,” ayay xustay warbixintu waxaanay intaasi raacisay “Si kasta ha ahaatee, ka dib aqoonsigii Israa’iil ee dabayaaqadii 2025, waxa si weyn u sii xoogaysanayay xiisaha aqoonsiga Somaliland ee gudaha Maraykanka.”

Sidoo kale, warbixinta caalamiga ahi waxay si qoto dheer u falanqaysay istiraatiijiyadda cusub ee Xukuumadda Somaliland oo warbixintu ku magacawday “Danaha Is-weydaarsiga ah”. Iyadoo laga duulayo 35 sano oo halgan diblomaasiyadeed ah. Isla markaana hoggaanka Xukuumadda Somaliland uu miiska soo saaray dalab ku saleysan iskaashi istiraatiiji ah, iyadoo Mareykanka loo soo bandhigay suurtogalnimada saldhigyo milatari iyo xuquuq gaar ah oo ku saabsan khayraadka macdanta si loogu beddesho aqoonsi rasmi ah.

Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in jihada cusub ee diblomaasiyadda Somaliland ay si dhow ula xidhiidho isbeddellada ka socda gobolka iyo danaha amni iyo dhaqaale ee quwadaha waaweyn. Waxa ay tilmaantay in sanadaha soo socda ay Washington go’aan ka gaadhi doonto hadba inta ay le’eg tahay miisaanka danaha ay ka aragto xeebaha iyo buuraha Somaliland, iyo sida ay uga dhex aragto loolanka sii xoogaysanaya ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay isbeddellada siyaasadeed ee ka curtay gobolka Geeska Afrika, iyo sida aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland uu u saameeyay jihada cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. Waxaana lagu yidhi “Xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxay ka gudubtay wejigii hore ee siyaasadda arrimaha dibada Somaliland oo markii hore ku salaysnayd kaliya sheegashada xaq-u-lahaanshaha aqoonsiga caalamiga ah, isla markaana ay u gudubtay weji cusub oo ku dhisan diblumaasiyad dhaqaale oo firfircoon, dan wadaag iyo wax is dhaafsi. Somaliland waxay dunida u soo bandhigtay in ay tahay saaxiib istiraatiiji ah, gaar ahaan in ay tahay lammaane aanu Mareykanku ka maarmi karin, xili loolan adagi ka jiro Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.”