Qisada Sabirka Nebi Yuusuf (cs)

0
171

Nabi Yusuf (CS) waxa ku dhacay dhibaatooyin badan oo kala duwan, wiilashii ay walaalaha ahaayeen ayaa ceel ku riday iyagoo u arkay in Aabahood ka jecel yahay isaga.

Markii ceelka laga soo badbaadiyay Addoon ayuu noqday la kala iibsaday.  Intaasi ka dib Jeelka ayaa lagu xidhay isagoo aanay jirn  wax dambi ah oo uu galay.

Si kastaba ha ahaatee, dhibtaas oo dhan waa uu ku sabray oo Allah (sw) ayuu ku kalsoonaaday.

Ugu dambeyn wuxuu noqday wasiir awood badan leh oo ka talinayay Masar, oo wakhti adag oo abaaro dhaceen kaydka raashinka dawladda u sareeya qaybinayay.

Dhibaato kasta marka lagu sabro ee Allah (sw) la isku xidho waxa ka danbeeya waa guul weyn .