Ramadaan waa bil aad u fadli badan, Muslimiintana lagu waajibiyey inay soomaan. Waa bil naxariista, cafiska, iyo Naarta la iska xoreeyo.
Ramadaan waa bisha Qur’aanka Kariimka ah la soo dejiyey, gaar ahaan habeenka Laylatul Qadriga, oo ka khayr badan kun bilood.
Bishan waxa la furaa Albaabada Janada, kuwa Naartana waa la xidhaa, Shaydaanka ayaa isagana la xidhaa. Dhamaan arrimahan waxa ay muujinayaan fadliga ay leedahay Bisha Ramadaan.
Fadliga Ramadaan waxa kale oo ka mid in qofkii si iimaan iyo abaal uu Allah (sw) ka rajayano u guta cibaadada bishan in denbigiisa hore laga dhaafo. Ramadaan waxa ka mid ah habeenka laylatul qadriga oo Cibaadada la Sameeya ay ka khayr badantay mid la sameeyo 10 bilood.
Sidaa awgeed waxa muhiim in qofka kasta oo muslim ah ka faa’iidaysto bisha Ramadaan ee Fadliga badan.






















