“Somaliland oo Adduunyadda Ka Yaabisay: Dabaaldegga 18-ka May oo Dunida Soo Jiitay”

0
191

Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Horn Lens ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka yaabisay adduunka iyada oo dabaaldegga xuska 18-ka May uu si weyn u soo jiidatay indha beesha caalamka. Waxa kale oo lagu xusay in dabaaldegga xuska maalinta qarannimada 18-ka May ee sannadkani si gaar ah u muujiyay isku-duubnida bulshada Somaliland laga soo bilaabo Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama ilaa Ceerigaabo, iyadoo qurba-joogta Somaliland ee daafaha caalamka ku kala nool ay si firfircoon uga qaybn-qaateen dabaaldeggan.
Sidoo kale warbixinta ayaa sheegtay in dabaaldegga sannadkan ee 18-ka May uu noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka caalamka, isla markaana warbaahinta waaweyn ee caalamku ay faafiyeen sawirro iyo warbixinno ka tarjumaya sida ay dadweynuhu ugu dabaaldegeen dhacdadan taariikhiga ah. Sida lagu xusay warbixinta, dabaaldegga sanadkani waxa uu lahaa dareen gaar ah, maadaama xiisadaha juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ay waddamada caalamka ku qasbeen in uu fiiro gaar ah u yeeshaan Somaliland.
Falanqaynta warbaahinta Horn Lens waxay tilmaamaysaa in xasilloonida Somaliland, istaraatiijiyadda juqraafiyeed iyo dadaalka aqoonsiga caalamiga ah ay noqdeen kuwo soo jiita dareenka iyo xiisaha caalamiga ah. Sidoo kale waxay iftiimisay in dabaaldegga xuska maalintan taariikhiga ay si cad u tilmaamayso in mustaqbalka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland yahay mid ka mid ah sheekooyinka juqraafiyadeed ee xiisaha iyo saameynta badan ee Geeska Afrika.
Waxa kale oo ay warbixintu intaasi raacisay “Dabaaldeggan ayaa lagu xusay guulaha iyo horumarka Somaliland, waxaana ka qayb galay malaayiin qof oo isugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo qaybaha kala duwan ee shacabka. Muuqaalka magaalada Hargeysa ayaa isu bedelay midabada calanka Somaliland iyo dareen farxadeed, taas oo aduunka ka yaabisay.”
Horn Lens ayaa warbixinteeda ku soo gabagabeysay in dabaaldegga May 18 ee sannadkan 2026 uu noqday mid ka tarjumaya isbedelka dublumaasiyadeed iyo himilooyinka qaranka Somaliland, iyada oo lagu xusay “Hoggaamiyeyaasha iyo martida ka soo qayb gashay ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalka lagu horumarinayo nabadda iyo midnimada Somaliland, iyagoo xusay in dhacdadani ay cadeyn u tahay isku duubnida bulshada.”