Qore Khadar M. Dhako
Boorama (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay gobolka ka waddo mashaariic horumarineed oo door weyn ka qaadan doona koboca adeegyada bulshada iyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka, kuwaasi oo ka kooban adeegyada Biyaha, Caafimaadka, Beeraha iyo Jidadka.
Guddoomiye Cabdirashiid Xasan Mataan waxa kale oo uu xusay in mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka ay isugu jiraan kuwo la xidhiidha biyaha, beeraha, caafimaadka, waddooyinka iyo horumarinta dhalinyarada, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha xukuumaddu ku dardargelinayso horumarka gobollada dalka.
Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama ayaa sheegay in gobolka Awdal uu ku tallaabsanayo horumar muuqda, isla markaana ay jiraan qorshayaal horumarineed oo si habsami leh uga socda deegaannada kala duwan ee gobolka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah mashaariicda biyaha la soo gebogebeeyay, halka kuwo kalena ay weli socdaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono mashaariic la xidhiidha horumarinta beeraha iyo wax-soo-saarka deegaanka.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in ay socdaan hawlo sahamin iyo qiimayn ah oo lagu samaynayo waddada isku xidhi doonta degmada Baki iyo deegaanka Garbo-dadar, halka qorshe kale oo la xidhiidha waddada Lughaya ilaa Fardaha oo ku xidhmi doonta waddada Lawyacabka uu isna dhawaan bilaabmi doono. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay mashruuca “Damal Caafimaad” oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka gobolka, iyo mashruuc kale oo loogu talagalay dhiirrigelinta iyo horumarinta dhalinyarada.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu tilmaamay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay carqaladayso mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo gobolka, isaga oo xusay in horumarku yahay danta guud ee bulshada reer Awdal. Waxaanu yidhi ““Gobolka Awdal waxa uu ku tallaabsanayaa horumar la taaban karo. Cid kasta oo ka soo horjeedda horumarka gobolka ama doonaysa inay caqabad ku noqoto mashaariicda danta guud, looma dulqaadan doono. Ceelasha iyo adeegyada loo sameeyay bulshada waa hanti qaran oo loogu talagalay shacabka.”




















