Hay’adda Shaqaalaha oo Rasmiyeynta Shaqaalaha Dowladda Somaliland u Maraysa Diiwaan-gelin Casri ah

0
111

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland (JSL) ayaa mar kale qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo lagu diiwaangelinayo shaqaalaha hay’adaha madaxa-bannaan ee aan hore ugu jirin nidaamka rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda. Tallaabadan ayaa sic cad u muujinaysa horumarinta hannaanka shaqo-qorista iyo hufnaanta maamulka shaqaalaha dowladda, kadib markii shalay shaqaalaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ay si rasmi ah u galeen imtixaanka shaqaalaysiinta, taas oo meesha ka saaraysa mudadii dheerayd ee ay ku jireen xaaladda meel-gaadhka ahayd.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda JSL, Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa sheegay in hubin dhammaystiran lagu sameeyey shaqaalaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee imtixaanka galay. Tallaabadan horumarineed ee ay qaaday Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa ah go’aan qaran oo lagu xaqiijinayo horumarinta nidaamka shaqo qorista iyo rasmiyaynta shaqaalaha ku meel gaadhka ah ee hay’addaha madaxa bannaan ee dowladda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in shaqaalaha loo kala saaray afar darajo (A, B, C, D), halka imtixaanka ay galeen shaqaalaha haysta shahaadooyinka jaamacadeed iyo kuwa dugsiga sare. Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha gobollada bariga ay imtixaanka ku galeen Jaamacadda Burco, halka kuwa gobollada galbeedkuna ay ku galeen Jaamacadda Camuud ee Borama.

Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa sidoo kale xusay in marka natiijada imtixaanka la shaaciyo kadib, shaqaalaha lagu samayn doono diwaangelinta nidaamka aqoonsiga faraha iyo sawirka indhaha (biometric), taas oo caddaynaysa in ay si rasmi ah uga mid noqdeen shaqaalaha barmanka ah ee dawladda, isla markaana ka hortagaysa in hal qof uu ka wada-tirsanaado hay’ado kala duwan. Ugu dambayn, waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in sidoo kale la diiwaangeliyo dhammaan shaqaalaha hay’adaha madaxa-bannaan ee aan weli ku jirin nidaamka rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda.