Horn Lens:- “Somaliland oo Door Caalami ah Ka Ciyaaraysa Isu Dheelitirka Awooda Dunida

0
99

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay Horn Lens ayaa sheegtay in isbeddellada ka socda Geeska Afrika ay sare u qaadeen qiimaha juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taalla xeebaha Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab. Sida lagu sheegay warbixinta, Goobahan ayaa ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka, kuwaas oo isku xidha ganacsiga caalamiga ah ee u dhexeeya qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub, isla markaana door muhiim ah ka qaata isu-socodka badeecadaha iyo tamarta dunida.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay leedahay fursado dhaqaale oo ballaadhan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dekedaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah. Waxa kale oo lagu xusay in horumarinta Dekedda Berbera iyo mashaariicda la xidhiidha isku xidhka ganacsiga gobolka ay si weyn u xoojinayaan koboca dhaqaalaha iyo maalgashiga shisheeye, taas oo ah sababtay daneeyayaasha caalamku indhaha ugu hayaan fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale, warbixintu waxay xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee Somaliland ku tilmaantay mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee ay Somaliland u soo jiidatay xiisaha beesha caalamka. Gaar ahaan Dowladda Maraykanka oo si weyn xoojinaysa xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Somaliland. Sidas lagu xusay warbixinta, arrimahan ayaa ku soo beegmayaan xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed, halka Somaliland ay xoogga saarayso dadaallada lagu adkaynayo nabadda, dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in kulankii dhawaan dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo diblomaasi sare oo ka socday Dowladda Maraykanka uu mar kale iftiimiyey doorka sii kordhaya ee Somaliland ku leedahay amniga, dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Sida lagu sheegay warbixinta, kulankaasi waxa uu diiradda saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga badda, iskaashiga sirdoonka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo xasilloonida gobolka. Warbixintu waxay qodobadan ku tilmaantay kuwo ka mid ah arrimaha ugu saamaynta badan ee maanta jaan-joogaya danaha istaraatiijiga ah ee caalamka.

Gabagabadii, warbixintu waxay sheegtay in marka la eego isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka socda dunida ay Somaliland maanta u muuqato awood door sii kordhaya ku leh ganacsiga caalamiga ah, amniga baddaha iyo iskaashiga gobolka. Waxay intaas ku dartay in sheekada Somaliland ay ka tarjumayso isdhexgalka ganacsiga caalamiga ah, istaraatiijiyadda juqraafiyeed, maalgashiga caalamiga ah iyo horumarka dhaqaale. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Geeska Afrika oo ka mid ah gobollada ugu muhiimsan qarniga 21-aad, uu door weyn ku yeeshay isu dheelitirka awoodaha dunida.