Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka JSL oo Ka Hadlay Imtixaanka Shaqaalaysiinta

0
63

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka JSL, Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay habraaca shaqaalaysiinta shaqaalaha hay’addaas iyo imtixaankii shalay laga qaaday si ay u noqdaan shaqaale rasmi ah. Maareeyuhu wuxuu sheegay in shaqaalaha hay’addu ay muddo dheer ku shaqaynayeen xaalad ku-meel-gaadh ah, sidoo kalena aanay jirin shaqaale cusub oo si qarsoodi ah la qoray, isla markaana dhammaan shaqaalaha la marsiiyey habraacyadii sharciga ahaa.

Maareeye Maxamed Faarax waxa kale oo uu sheegay in hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ay hadda u gudubtay hannaan dammaanad qaadaya xaquuqda shaqaalaha hay’adda oo hadda wixii ka dambeeya ay si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha barmanka ah ee xukuumadda, maadaama oo ay muddo dheer ku shaqaynayeen xaalad ku-meel-gaadh ah. Waxa kale oo uu xusay in aanay jirin wax shaqaale cusub ah oo si qarsoodi ah loogu daray hay’adda.

“Shaqaalaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka waa-cusub ayaa u beryey. Hay’adda shaqaalaheedu waxay ahaayeen ku-meel-gaadh, waxaana u nimi shaqaalaha oo bilaa xaq iyo xuquuq ah, maantana shaqaalihii waa la shaqaalaysiiyey oo sifihii sharciga ahaa ayaa la mariyey, sidaas darteed annagu shaqaale maanan qarsan meel madowna kumaanaan qorin cid aan qornayn oo cusubna ma jirto, hadaan wax qarinaynona maanan nimaadneen hay’adda shaqaalaha dowladda oo masuul ka ah shaqaalaha Qaranka. Ma jirin cid kursigiisa lagula tartamayay oo shaqaale ah.” Ayuu yidhi Maareeyuhu.

Sidoo kale, Maareeyuhu wuxuu sheegay in shaqaalaha hay’adda intooda badan la qoray xilligii dawladdii hore ee xisbiga Kulmiye ay xilka ka sii degaysay. Hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in maamulka cusub aanu doonayn inuu shaqada ka eryo shaqaalahaas, maadaama ay yihiin muwaadiniin fursad shaqo loo abuuray, inkasta oo uu sheegay in habkii lagu keenay qaarkood aanu sax ahayn.

“Kulmiye waxan aan meesha keenay ee ay ka hadlayaan maanta waa shaqaalihii ay ku gureen hay’adda markii ay xukunka ka baxayeen, waana ka xishooney inaanu dareerino dadkaasi, waxaan u aragnay laakiin inay yihiin muwaadiniin kasoo galiyey ayaa qalloocay ee iyagu may qalloocin. Hay’adduba shaqaale rasmi ah may lahayn 43 qof ayaa shaqaale rasmi ahaa inta kale waxa ay ahayeen ku meel-gaadh” ayuu yidhi Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka JSL