Wasaarada Maaliyadda JSL oo Dib-u-habayn ku Samaysay Cashuurta Adeegga GST

0
100

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay dib-u-habayn lagu sameeyey Cashuurta Adeegyada iyo Badeecadaha (GST), taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka cashuuraha, lagu casriyeynayo ururinta dakhliga gudaha, isla markaana lagu sal-ballaadhinayo cashuur-bixiyeyaasha.

Dib-u-habayntan cusub ayaa lagu go’aamiyey in heerka Cashuurta GST-ga laga dhimo 5% ilaa 2.5%, taas oo ka dhigan hoos u dhigis dhan 50%. Tallaabadan ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo culayska cashuureed ee saaran bulshada iyo ganacsatada, iyadoo la ilaalinayo baahida loo qabo kobcinta dakhliga Qaranka iyo maalgelinta adeegyada bulshada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhimista cashuurtu ay la socoto dib-u-nidaamin iyo sal-ballaadhin cashuureed, si loo xaqiijiyo in dhammaan adeegyada iyo badeecadaha ay sharci ahaan cashuurtu ku waajibtay ay si siman uga qayb qaataan dakhliga Qaranka. Nidaamkan cusub ayaa meesha ka saaraya in culayska cashuurtu ku koobnaado qayb gaar ah oo ganacsiyada ama adeegyada ka mid ah, isaga oo kor u qaadaya caddaaladda iyo sinnaanta cashuureed.

Sidoo kale, nidaamka cusub ee GST-ga ayaa lagu hirgelin doonaa hab casri ah oo ka faa’iidaysanaya tiknoolajiyadda lacagaha danabaysan iyo hababka kale ee lacag-bixinta, si loo fududeeyo ururinta cashuuraha, loona yareeyo cashuur la baxsiga, loona kordhiyo daah-furnaanta iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Dalka.

Dib-u-habayntan ayaa salka ku haysa dhawr yool oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimista culayska cashuuraha, ballaadhinta tirada cashuur-bixiyeyaasha, casriyeynta nidaamka ururinta dakhliga, yaraynta cashuur-lunsiga iyo xoojinta dakhliga gudaha si wax muuqda looga qaban karo adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay bulshada, ganacsatada, hay’addaha maaliyadeed, shirkadaha adeegyada bixiya iyo dhammaan cashuur-bixiyeyaasha ugu baaqday inay u diyaar garoobaan hirgelinta nidaamkan cusub, iyadoo la qorsheeyey in si rasmi ah loo dhaqan-geliyo marka ay dhammaadaan diyaar-garowga farsamo iyo habraacyada lagama maarmaanka ahi. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xaqiijisay in la bixin doono wacyigelin iyo tilmaamo faahfaahsan oo bulshada ka caawin doona fahamka iyo fulinta nidaamkan cusub.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu waxay ku adkaysay in dib-u-habayntani ay tahay tallaabo lagu dhisayo nidaam cashuureed oo casri ah, caddaalad ku dhisan, hufan, isla markaana awood u siinaya Qaranka inuu gaadho himilooyinkiisa horumarineed iyo kobcinta dakhliga gudaha.