Horumarinta Biyaha iyo Adeegyada Bulshada: Guul kale oo ka mid ah Waxqabadka Xukuumadda JSL

0
110

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Wadajir iyo Waxqabad waxay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda horumarineed ee sida toosa ah u taabanaya nolosha bulshada. Xukuumaddu waxay mudnaan gaar ah siisay horumarinta adeegyada biyaha, korontada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka iyo daryeelka shacabka.

Daah-furka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Hargeysa ee Wajiga 2-aad, oo uu si rasmi ah xadhigga uga jaray Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa caddeyn u ah ahmiyadda ay xukuumaddu siinayso adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah horumarka dalka.

Hirgelinta Mashruucani, waxay markhaati u tahay guulaha la taaban karo ee ka dhasha qorsheynta hufan, hoggaanka leh himilooyinka horumarineed iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo daneeyayaasha kale. Hirgelintiisu waxay muujinaysaa awoodda ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka beddela nolosha bulshada, isla markaana xoojinaya horumarka adeegyada aasaasiga ah. Waxa kale oo uu sare u qaadayaa kalsoonida maalgashiyada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee laf-dhabarta u ah horumarka iyo barwaaqada shacabka.

Biyaha, korontada iyo kaabeyaasha dhaqaaluhu waa tiirarka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro horumarka bulsho iyo dhaqaale. Maalgelinta iyo ballaadhinta adeegyadani waxay horseedaan korodhka wax-soo-saarka, koboca ganacsiga, hagaajinta adeegyada caafimaadka iyo sare u qaadidda tayada nolosha shacabka. Sidaas darteed, mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa wuxuu si toos ah uga jawaabayaa baahida sii kordhaysa ee biyaha caasimadda Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda ku bogaadiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgelinta mashruucan. Waxa uu tilmaamay in Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa uu wax weyn ka tari doono biyo-yaraanta ka jirta caasimadda, isla markaana uu sare u qaadi doono tayada adeegyada biyaha ee ay u baahan yihiin muwaadiniintu. Waxa kale oo uu si cad u sheegay in xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada nolosha bulshada ee sida tooska ah u taabanaya shacabka.

Sidoo kale, Mashruucan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka taro biyo-yaraanta soo noqnoqota, gaar ahaan iyadoo tirada dadka iyo baahida adeegyada biyuhu ay sii kordhayaan. Fulinta Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo Maalgelinta Bangiga horumarinta Jarmalka (KfW Development Bank) waxay muujinayaan muhiimadda iskaashiga horumarineed ee lagu xoojinayo kaabeyaasha dalka. Mashruucani wuxuu tusaale u yahay sida maalgashiga kaabeyaasha aasaasiga ahi ay wax uga taraan nolosha shacabka, isla markaana ay u taageeraan himilooyinka horumarineed ee mustaqbalka.

Waxa kale oo ka qayb-galka munaasibadda furitaanka mashruucan ee masuuliyiinta sar-sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirro, madaxda maamulka Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmada Hargeysa, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh Jamhuuriyadda Somaliland, daneeyayaasha kala duwan iyo marti-sharafta kale ee ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tarjumaya muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta adeegyada biyaha iyo doorka uu ku leeyahay taageeridda qorshayaasha horumarineed ee qaranka.

Guntii iyo gebagebadii, mashruucan biyo-ballaadhintu maaha oo keliya qorshe lagu kordhinayo helitaanka biyaha, balse waa maalgashi istaraatiiji ah oo lagu dhisayo mustaqbalka magaalada Hargeysa iyo guud ahaan horumarka dalka. Xukuumadduna waxay mudan tahay bogaadin ku aaddan dadaallada ay ku horumarinayso adeegyada biyaha, korontada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo mustaqbal ifaya oo ay bulshada Somaliland wada hiigsanayso.