Xildhibaan Lord Ashcroft oo Dawladda UK ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

0
28

Madaxweyne Dr. Cirro: “Ingiriisku ha Fuliyo Ballanqaadkiisi Aqoonsiga Somaliland”

 Warbixin Lord Ashcroft: “Somaliland Waa Dal Nabad iyo Dimuqraadiyad Ku Dhisan”

 Hargeysa (Dawan): Lord Ashcroft oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Sare ee Boqortooyada Ingiriiska (House of Lords), isla markaana ah ganacsade, qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed, ayaa warbixin dheer oo uu ku daabacay Conservative Home ku soo bandhigay kulan uu magaalada Jerusalem kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidoo kale Lord Ashcroft waxa uu sheegay in Somaliland gaadhay heer ay mudan tahay in beesha caalamku si rasmi ah u aqoonsato.

Lord Ashcroft ayaa sheegay in kulanka uu Madaxweynaha Somaliland kula yeeshay Jerusalem uu ku soo beegmay munaasibad uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, taas oo la xidhiidha furitaanka safaaradda Somaliland ee Israa’iil. Waxa uu xusay in tallaabadani muujinayso in Somaliland u gudubtay marxalad cusub oo diblumaasiyadeed, isla markaana ay sii xoojisay dedaalladeeda ku aaddan raadinta aqoonsiga caalami ah.

Lord Ashcroft waxa kale oo uu warbixintiisa ku soo bandhigay booqasho uu hore ugu tagay Somaliland, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay dal leh nabadgelyo, nidaam dimuqraadi ah iyo hay’ado dawladeed oo muddo ka badan 35 sannadood si madax-bannaan u shaqaynayey. Sida uu sheegay, Somaliland waxay tusaale u tahay dawlad dhisan oo buuxisay dhammaan astaamihii dawladnimo.

Xildhibaan Lord Ashcroft waxa kale oo uu tilmaamay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro intii uu socday kulankoodu uu si cad u sheegay in la joogo waqtigii Boqortooyada Ingiriisku ay aqoonsan lahayd Somaliland. Madaxweynaha ayaa xusay in dawladda Ingiriisku muddo dheer ku adkaysanaysay inaanay noqon doonin dalka ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland, balse ay diyaar u tahay inay noqoto dalka labaad. Sidaas darteed, maadaama dalkii ugu horreeyey la helay, ay hadda tahay in London qaaddo tallaabada xigta.

Sida uu sheegay Xildhibaanku, Madaxweyne Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyey in aqoonsigu aanu ahayn arrin sharafeed oo keliya, balse uu yahay xaq dawladnimo oo Somaliland u qalanto, maadaama ay muddo dheer ilaalisay nabaddeeda, dimuqraadiyaddeeda iyo xasilloonideeda. Waxa uu sheegay in Somaliland qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah, isla markaana ay samaysay isbeddello nabdoon oo dhinaca awoodda iyo xukunka ah, sidoo kalena ay si isku filnaansho ah u maamusho amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland leedahay hay’ado dawladeed oo shaqaynaya, ciidan qaran oo suga amniga, iyo nidaam maamul oo ay iyadu dhisatay iyada oo aan ku tiirsanayn taageero caalami ah. Waxa kale oo uu iftiimiyey in xukuumaddiisu ku guulaysatay hub-ka-dhigis iyo qaramayn lagu sameeyey kumannaan maleeshiyaad ah, kuwaas oo si rasmi ah loogu daray ciidamada qaranka iyo bulshada, isagoo arrintaas ku tilmaamay tusaale muujinaya awoodda Somaliland ee dhismaha nabadda.

Dhanka dhaqaalaha, Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in Somaliland hodan ku tahay khayraad dabiici ah sida shidaalka, gaasta iyo macdanta lithium, isla markaana ay leedahay fursado waaweyn oo dhinacyada beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga iyo maalgashiga ah. Waxa uu xusay in shirkado caalami ahi muujinayaan xiisaha ay u qabaan maalgelinta khayraadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil aanu ku koobnayn aqoonsi siyaasadeed oo keliya, balse uu salka ku hayo iskaashi wax-ku-ool ah oo dhinacyada biyaha, beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ah. Waraysiga ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, iyadoo Madaxweyne Cirro sheegay in dalkiisu ku yaallo marin-biyoodka ugu muhiimsan adduunka, taas oo ka dhigaysa xarun muhiim u noqon karta ganacsiga, amniga iyo maalgashiga gobolka Geeska Afrika.