Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KAAH oo Taageeray Safaaradda Somaliland ka Furatay Qudus

0
33

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KAAH ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Jaamac Liibaan, ayaa si weyn u taageeray go’aanka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Somalialnd Safaarada kaga furtay magaalada Qudus, sidoo kalena waxa uu soo dhaweeyay aqoonsiga Somaliland ka heshay dawladda Israa’iil.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KAAH waxa kale oo uu sheegay in aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay arrin qaran oo aan loo baahnayn in loo adeegsado olole siyaasadeed iyo dano gaar ah. Sidoo kale waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in arrinta aqoonsiga si mideysan loo wajaho, maadaama uu yahay himilo qaran oo muddo dheer la sugayay.

Maxamed Jaamac Liibaan ayaa waxa kale oo uu si faahfaahsan uga hadlay xaqiiqada dhabta ah ee magaalada Qudusta Galbeed ee dalka Israa’iil ee laga furay safaraadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in arrintaasi aanay dhibaato ku jirin marka la eego sida dalal badan oo Carbeed ay xidhiidh ula leeyihiin Israa’iil, kuwaasi oo si rasmi ah ugu aqoonsan Qudusta Galbeed in ay tahay dalka Israa’iil.

Waxa uu tilmaamay in haddii arrinta ictiraafka la siyaasadeeyo ama laga dhex abuuro kala aragti duwanaansho culus, ay taasi dhaawici karto dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku jirto. Waxaanu ku tilmaamay aqoonsiga Somaliland, fursad taariikhi ah oo haddii si wadajir ah loo wajaho keeni karta horumar siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed. Waxaanu yidhi “Ictiraafka Somaliland waa arrin qaran, umana baahna in la siyaasadeeyo ama la muujiyo qaybsanaan ka farxin karta cadawga Somaliland. Qudusta galbeed ee dhammaan dalalka Carabtu u aqoonsanyihiin Israel, dhibi kuma jirto haddii aynu safaarad ka furannay,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeen xisbiga Kaah Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan.