Daah-furka Ururka ETBAS ee Ganacsiga iyo Ganacsatada Itoobiya ee Somaliland

0
15

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa magaalada Hargeysa si rasmi ah uga daah-furay Ururka Ganacsiga iyo Ganacsatada Itoobiya ee Somaliland (ETBAS), kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xidhiidhka ganacsi, isku-xidhka ganacsatada iyo kobcinta iskaashiga dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya.

Munaasabadda daah-furka oo uu xadhigga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ganacsato, xubnaha ururka iyo marti-sharaf kale. Iyada oo ka filayo in Ururka ETBAS door muhiim ah ka qaato fududaynta xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya, isku-xidhka ganacsatada labada dhinac, iyo abuurista fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi, kuwaas oo gacan ka geysan kara kobcinta iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo hadal ka jeediyay daahfurka munaasibadda ayaa sheegay in Somaliland ay ku taalo goob istaraatiiji ah oo isku xidha qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo uu tilmaamay inay fursad weyn u tahay horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha Somaliland iyo Itoobiya. Wasiirka ayaa sheegay in muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland ay u baahan tahay in si wanaagsan looga faa’iidaysto, si dalka looga dhigo xudunta ganacsi ee isku xidha gobolka iyo suuqyada caalamka.Isaga oo si gaar ah uga hadlay xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu xusay in labada dhinac ay yihiin dalal deris ah oo ay ka dhexeeyaan xidhiidho dhinacyo badan leh.

“Somaliland waxay ku taalaa goob istaraatiiji ah oo isku xidha Eeshiya, Bariga Dhexe iyo Afrika, waana buqcad aan odhan karno waa mid barakaysan. Waxay u baahan tahay inaynu ka shaqayno sidii aynu uga faa’idaysan lahayn oo ay Somaliland u noqon lahayd xudunta ganacsi ee isku xidha gobolka iyo caalamka. Itoobiya waa wadan aan jaar nahay oo waxa inag adhaxeeya xidhiidh dhan walb aah waana suuqa ugu weyn ee caalamka ah oodhan isha ku hayaan marinka ay u marayaana ay tahay Berbera.” ayuu Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Cabdiraxmaan Xasan Nuur