Hargeysa (Dawan) Safarka shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ugu kicitimay dalka Maraykanka, isaga oo sii maraya Isutagga Imaaraadka Carabta, waa fursad muhiim ah oo Somaliland uga faa’iidaysan karto xoojinta xidhiidhkeeda caalamiga ah iyo horumarinta danaha qaranka. Safarrada heerkan ah ma aha oo keliya kulamo iyo booqashooyin diblomaasiyadeed; waxa ay noqon karaan madal lagu abuuro fursado cusub oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah. Sidaas darteed, Somaliland waxa ay ka filan kartaa safarkan in uu horseedo albaabbo cusub oo loo maro iskaashi waxtar u leh shacabka.
Marka koowaad, safarku waxa uu xoojin karaa xidhiidhka diblomaasiyadeed. Maraykanku waa dal saamayn weyn ku leh siyaasadda caalamka, gaar ahaan Geeska Afrika. In Madaxweynaha Somaliland uu si toos ah u gudbiyo aragtida, danaha iyo himilada shacabka Somaliland waxa ay fursad u tahay in si wanaagsan loo fahmo mawqifka Somaliland iyo doorkeeda istiraatiijiga ah.
Marka labaad, dhaqaalaha iyo maalgashiga ayaa ah meel Somaliland faa’iido weyn ka heli karto. Somaliland waxa ay u baahan tahay maalgashi shisheeye oo abuura shaqooyin, kobciya wax-soo-saarka, horumariya kaabeyaasha dhaqaalaha, isla markaana sare u qaada ganacsiga. Kulamada lala yeesho ganacsatada, hay’adaha iyo maalqabeennada Maraykanka waxay noqon karaan bilowga fursado maalgashi oo cusub, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, tamarta, xoolaha, beeraha, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada.
Marka saddexaad, iskaashiga amniga ayaa muhiim u ah xasilloonida Somaliland iyo gobolka. Somaliland waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika. Iskaashi amni oo ku dhisan danaha labada dhinac wuxuu Somaliland u keeni karaa tababar, khibrad iyo iskaashi lagu xoojinayo amniga iyo la-dagaallanka khataraha gobolka.
Marka afraad, safarku wuxuu fursad u yahay in qaddiyadda Somaliland si toos ah loogu bandhigo goobo muhiim ah. Inkasta oo aqoonsigu yahay muhiimadda koobaad ee Somaliland sida joogtada ah ugu bixinayso dadaallada diblomaasiyadeed, haddana kulamada heerkan ahi waxay sidoo klae Somaliland siinayaan fursad ay ku sharaxdo taariikhdeeda, xaqiiqada jirta, nidaamkeeda dimuqraadiyadeed iyo rabitaanka shacabka. Qaddiyadda aqoonsigu waxay u baahan tahay dulqaad, qorshe fog iyo diblomaasiyad joogto ah, safarkanna wuxuu ka mid yahay dadaalladaas.
Marka shanaad, Waxaa kale oo muhiim ah in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay safarkan uga faa’iidaystaan xoojinta doorka qurba-joogta Somaliland. Bulshada Somaliland ee ku nool Maraykanka waxay leedahay awood dhaqaale, aqoon iyo xidhiidho bulsho oo muhiim u noqon kara horumarka dalkooda. Isku xidhka qurba-joogta iyo fursadaha maalgashi ee gudaha Somaliland wuxuu noqon karaa mid si toos ah uga qayb qaata kobaca dhaqaalaha.
Marka lixaad, Safarka Madaxweynaha ee Maraykanku, oo Somaliland uga faa’iidaysanayso si xeeladaysan wuxuu noqon karaa tallaabo kale oo Somaliland ku xoojinayso codkeeda caalamka, ku soo jiidanayso maalgashi, ku horumarinayso iskaashiga amniga, kuna sii waddayso dadaalkeeda diblomaasiyadeed. Sidaa darteed Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay diirrada saarayaan in safarran diblomaasiyadeed loo beddelo heshiisyo, maalgashi, iskaashi, fursado waxbarasho, taageero farsamo iyo xidhiidho waara.
Guntii iyo gabagabadii Somaliland maanta waxay u baahan tahay in adduunka loo muujiyo in ay tahay dal leh himilo, dan qaran iyo diyaar-garow ay kula shaqayn karto cid kasta oo dan wadaag ah. Safarkani waa fursad taas ooo laga filayo in loo bedelo fursad ioy natiijo shacabka Somaliland si muuqata u dareemaan. Alle ha u fududeeyo Madaxweynaha iyo weftigiisa safarka, hana ka dhigo mid Somaliland iyo shacabkeeda u soo hoya faa’iido iyo horumar.




















