Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabatay kulan lagu soo bandhigay laguna ansixinayay Siyaasadda iyo Habraaca Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation – M&E Policy and Framework). Kulanka oo ay ka soo qayb galeen hay’adaha kala duwan ee dawlada ,Ururadda Caalamiga ah kuwa maxaliga iyo daneeyaasha horumarka yaa ujeeddadiisu ahayd in la soo bandhigo siyaasadda iyo habraaca qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta, lana helo aragtiyo, talooyin iyo faallooyin si loo dhammaystiro loona xoojiyo siyaasadda.
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, ayaa kulanka si rasmi ah u daahfurtay yaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam qaran oo mideeya habka loo dabagalo loona qiimeeyo qorshayaasha, barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed. Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Dabagalka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda, Cabdirashiid Gedi, ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha, isla markaana ka hadlay ujeeddooyinka kulanka. Sidoo kale, wakiillo ka socday bah-wadaagta horumarinta ayaa ka qayb qaatay kulanka iyagoo soo jeediyay aragtiyo iyo talooyin la xidhiidha xoojinta nidaamka Dabagalka iyo Qiimaynta.
Madaxa Barnaamijka EU-TAPF, Mr. Steven Hind, ayaa ka hadlay muhiimadda iskaashiga iyo taageerada horumarineed ee lagu xoojinayo nidaamyada qorshaynta iyo qiimaynta. Raju Norul, oo ah la-taliyaha farsamo ee diyaarinta Siyaasadda Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta, ayaa soo bandhigay qodobada muhiimka ah ee siyaasadda, habraacyada la xidhiidha iyo qaabka loo adeegsan doono nidaamka M&E.
Dhanka kale kasoo qaybgalayaashu waxay fursad u heleen inay ka bixiyaan faallooyin, talooyin iyo aragtiyo ku saabsan siyaasadda iyo habraaca, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo aragtiyo la xidhiidha siyaasadda iyo habraaca, oo qayb ka qaadanaya dhammaystirka iyo tayaynta nidaamka Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimaynta. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee lagu xoojinayo nidaamka qorshaynta, dabagalka iyo qiimaynta horumarka, si loo helo xog iyo caddayn lagu cabbiro natiijooyinka iyo waxqabadka qorshayaasha horumarineed ee dalka.



















