Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Foreign Policy, oo si gaar ah uga faalloota siyaasadda caalamka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa soo bandhigtay dood ku saabsan sababta ay Washington u tixgelin karto aqoonsiga Somaliland. Warbixintan oo uu qoray Steven A. Cook, oo ah qoraa ka tirsan Foreign Policy isla markaana ah khabiir ka tirsan Council on Foreign Relations, ayaa si cad u taageeraysa in Maraykanku aqoonsado Somaliland, isaga oo arrinta ku salaynaya danaha istaraatiijiga ah ee Washington ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Warbixintu waxay xustay in aqoonsigii ay Israel siisay Somaliland dabayaaqadii Diseembar 2025 uu sababay falcelin xooggan oo caalami ah. Hase yeeshee, qoraagu wuxuu su’aal geliyey sababta dhabta ah ee ka dambaysa mucaaradnimada ay dalalkaasi muujiyeen, isaga oo ku dooday in aanay si buuxda ugu salaysnayn mabda’a ilaalinta midnimada iyo dhul-ahaanshaha Soomaaliya, balse ay qayb weyn ka tahay danaha juqraafi-siyaasadeed ee dalalka gobolka.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay taariikhda Somaliland, oo ahayd dal madax-bannaan isla markaana hore u ahayd maxmiyad British ah, ka hor intii aanay xornimadeeda qaadan sannadkii 1960. ka hor intii aanay si ikhtiyaari ah ula midoobin Soomaaliya. Isla markaana ay madax-bannaanideeda dib ugu dhawaaqdasy sannadkii 1991 kadib dagaalladii iyo burburkii siyaasadeed ee Soomaaliya, Iyada oo Somaliland tan iyo xilligaas, ay muddo ka badan 34 sano dhisaysay hay’ado dowladeed, nidaam siyaasadeed, ciidan iyo hay’ado amni oo u gaar ah.
Warbixintu waxay tilmaantay in arrimahaasi ay xaaladda Somaliland ka dhigayaan kiis sharci iyo mid siyaasadeed oo gaar ah, marka loo eego gobollo kale oo dunida ka tirsan oo doonaya inay ka go’aan dalal jira. Sidoo kale, warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay xaalado kale oo ka dhacay Bariga Dhexe iyo gobolka, iyada oo tilmaantay in qaar ka mid ah dowladaha maanta si adag uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland ay hore u taageereen ama ula macaamileen dhulal iyo maamulo leh xaalado siyaasadeed oo muran ka taagan yahay.
Sidaas awgeed, warbixintu waxay ku doodaysaa in haddii dalalku mararka qaar mabda’a dhul-ahaanshaha uga leexdaan danahooda siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed, aanay cadaalad ahayn in Somaliland keliya lagu saleeyo doodda ah “ilaalinta midnimada Soomaaliya.”


















