Hudson Institute: “Somaliland Waa Lammaane Istaraatiijiyad ah oo Muhiim u ah Danaha Dunida”

0
13

Qore Axmed M. Saleebaan

Washington (Dawan) Machadka siyaasadda iyo cilmi-baadhista ee Hudson Institute oo fadhigiisu yahay magaalada Washington, ee dalka Maraykanka ayaa Somaliland ku tilmaantay “lamaane istaraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika”, Warbixintu waxay xustay in muhiimadda Somaliland ay marba marka dambaysa sii kordhayso, gaar ahaan marka la eego xaaladda juqraafi-siyaasadeed iyo amni ee gobolka.

Hudson Institute ayaa warbixinteeda ku sheegtay in, kaddib markii Somaliland iyo Taiwan ay sameeyeen xidhiidhka diblomaasiyadeed sannadkii 2020, ay Somaliland mar kale si weyn uga soo dhex muuqatay wararka caalamka. Sidoo kale waxay tilmaantay warbixintu is mar kale isbedel weyn oo taariikhi ahi ka dhacay Geeska Afrika 26-kii December 2025, kadib markii Israel ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 1991-kii.

Warbixinta Machadka Hudson Institute oo Wargeyska Dawan soo xigtay, wuxuu tilmaamay in dagaalka Iran, falalka amni-daradda ah ee kooxdsa Xuutiyiinta Yemen, saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha ee Afrika, iyo sidoo kale raadadka Ruushka iyo Iran ee Bariga Afrika ay dhammaantood muujinayaan muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, iyada oo warbixintu sidoo kale tilmaantay in ay tahay dal si dhow ula jaanqaadaya reer Galbeedka.

Sida lagu sheegay warbixinta, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku jooga dalka Maraykanka tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee November 2024. Waxa kale oo lagu xusay in muddada uu ku sugan yahay Washington, in Madaxweyne Cirro khudbad muhiim ah ka jeedin doonaa Hudson Institute14-ka Sebtembar, 2026, isla markaana kadib uu ka qayb-geli doono kulan wada-sheekeysi ah (fireside chat) oo uu la yeelan doono Joshua Meservey, oo ah khabiir sare oo ka tirsan machadka.

Hudson Institute oo ah hay’ad cilmi baadhiseed oo xoogga saarta arrimaha siyaasadda, amniga qaranka Maraykanka, xidhiidhada caalamiga ah, dhaqaalaha, tamarta iyo tignoolajiyadda, isla markaana ah xarun cilmi-baadhiseed oo door weyn ku leh jihaynta siyaasiyiinta iyo dadka go’aamada ka gaadha Washington, marka ay Somaliland ku tilmaanto “lamaane istaraatiiji ah. Wwaa hadal xambaarsan muhiimad siyaasadeed oo muuqata, maadaama Somaliland loo arko dal leh muhiimad juqraafi oo istaraatiiji ah, xasillooni siyaasadeed iyo awood ay kaga qayb qaadan karto amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Aragtida Hudson waxay sidoo kale muujinaysaa in Somaliland ay sii kordhinso miisaankeeda istaraatiiji ah, isla markaana ay muujinayso awood diblumaasiyadeed oo ka baxsan doodda aqoonsiga oo keliya, gaar ahaan marka la eego amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, marin-biyoodka Bab al-Mandab, amniga gobolka iyo tartanka quwadaha caalamka ee Geeska Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Irro ayaa Washington kaga qayb-galay marti qaad casho sharaf ah oo uu soo qabanqaabiyay Safiirka Israel ee dalka Maraykanka ambassador Yechiel Leiter. Waxaa ka soo qaybgalay diblumaasiyiin, saraakiil hore oo Mareykanka ah, iyo saaxiibbada labada dimoqraadiyad.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa kala qayb-galay martiqaadkan J. Peter Pham oo ah aqoonyahan, diblomaasi iyo khabiir Maraykan ah oo muddo dheer ka shaqaynaya arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, gaar ahaan qaaradda Afrika. Sidoo kalena ahaa Ergaygii Gaarka ahaa ee Maraykanka u qaabilsanaa Gobollada Saaxil iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika.

  1. Peter Pham ayaa sharaf weyn ku tilmaamay in uu ka qaybgalo kulankan qiimaha badan ee lagu maamuusay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdigiisa. waxaanu yidhi “Sharaf weyn ayay ii tahay inaan caawa ka qayb galo casho uu martigeliyey Mudane Yechiel Leiter, Safiirka Israa’iil ee Maraykanka, taas oo lagu maamuusay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdigiisa.

Waxay ahayd fursad qiimo leh inaan goob-joog ka noqdo saaxiibtinimada sii xoogaysanaysa ee u dhexaysa labada dal ee dimuqraadiga ah, kuwaas oo ku kala yaalla gobollo istaraatiiji ah oo muhiim u ah caalamka. Waa habeen xusuus mudan oo lagu xusay saaxiibtinimo, iskaashi iyo dano wadaag.”