Xisbiga WADDANI oo Xoojinaya Wadaxidhiidhka Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Xukuumadda

0
13

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Xarunta Xisbiga WADDANI ayaa shalay galabta lagu qabtay kulanka 9-aad ee barnaamijka “La-hadal Xisbigaaga”, oo ah madal toddobaadle ah oo lagu xoojinayo wada-xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda xisbiga, Bulshada iyo taageerayaasha xisbiga.

Kulankii shalay oo ah barnaamijkii 9aad ee noociisa ee lagu qabto xarunta xisbiga WADDANI, waxa marti ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Jaamac Barre, kaas oo ka qayb-galayaasha uga warbixiyey adeegyada iyo hawlaha ay wasaaraddu u hayso bulshada, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo macdanta.

Waxa kale oo kulanka qayb muhiim ah ka ahaa su’aalo iyo dood ay ka qayb-galayaashu wasiirka si toos ah ugu weydiiyeen arrimo la xidhiidha adeegyada wasaaradda iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada muhiimka ah ee ay wasaaraddu u hayso qaranka. Ka qayb-galayaashu waxay sidoo kale soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo ku saabsan baahiyaha bulshada iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Barnaamijka “La-hadal Xisbigaaga” ee uu hal-abuuray xisbiga WADDANI iyo Kulamada noocan ahi waxay xoojinayaan dhaqanka wada-tashiga iyo masuuliyadda siyaasadeed, isaga oo abuuraya madal ay bulshada si toos ah ugu gudbin karto su’aalo, talooyin iyo aragtiyo, halka mas’uuliyiintuna ay si furan uga jawaabi karaan arrimaha khuseeya waajibaadkooda.

Waxaa in si gaar ah loo bogaadiyo mudan dhaqanka joogtaynta madashan, taas oo ah markii sagaalaad ee xisbigu si xidhiidh ah u qabto Barnaamijkan, maadaama kulamada noocan ahi ay gacan ka geysan karaan kor u qaadista isla-xisaabtanka, fahamka adeegyada dawladda iyo dhisidda kalsoonida u dhexaysa bulshada iyo hay’adaha qaranka.

Guulaha siyaasadeed ee wax ku oolka ah laguma cabbiro oo keliya hadallo iyo ballanqaadyo, balse waxa lagu qiimeeyaa sida loo abuuro fursado lagu dhageysto shacabka, looga jawaabo su’aalahooda, talooyinkoodana loogu beddelo aragti iyo qorshe wax-ku-ool ah.

Sidaas awgeed, Barnaamijkan “La-hadal Xisbigaaga” waxa uu noqon karaa tusaale wanaagsan oo muujinaya qiimaha ay leedahay in siyaasadda iyo maamulka lagu saleeyo wada-tashi, xog-is-weydaarsi iyo xidhiidh joogto ah oo lala yeesho bulshada. Sidoo kale Barnaamijkani waxa uu muhiim u yahay kor u qaadista is-dhexgalka bulshada iyo hay’adaha dawladda, maadaama ay abuuraan fursad lagu dhageysto su’aalaha, talooyinka iyo aragtiyada shacabka.

Guud ahaan, “La-hadal Xisbigaaga” waxa uu tusaale u yahay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyiinta iyo bulshada reer Somaliland ay isu helaan fursado joogto ah oo ay si toos ah wax isugu weydiiyaan, isla markaana ay helaan madal furan oo ay kaga wada hadlaan adeegyada dadweynaha, isla markaana la isugu gudbiyo talooyin wax-ku-ool ah.