African Geopolitics: “Somaliland iyo Maraykanka: Sababaha Ka Dambeeya Xiisahan Cusub!”

0
9

“Shirka Qaramada Midoobay ee New York iyo Rejada Cusub ee Aqoonsiga Somaliland”

“Somaliland oo Ka Dhex Muuqanaysa Xisaabta Istaraatiijiga Ah Ee Quwadaha Caalamka”

Washington, D.C. (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee African Geopolitics ayaa warbixin cusub oo ay daabacday ku falanqaysay suurtagalnimada in dawladda Maraykanku ay sannadka 2026 aqoonsayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintu waxay si gaar ah u eegaysaa isbeddellada cusub ee ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, Dekedda Berbera, xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, iyo danaha sii kordhaya ee quwadaha caalamku ka leeyihiin gobolka.

Sida ay tilmaamayso warbixinta oo uu Wargeyska Dawan soo xigtay, su’aasha ugu weyn ee dhinaca diblomaasiyadda ka taagan gaar ahaan arrimaha Somaliland ayaa ah in dawladda Maraykanku ay ugu dambayn aqoonsan doonto Somaliland ka hor dhammaadka sannadka 2026. Sida lagu xusay qormadan, su’aashan ayaa yeelatay muhiimad dheeraad ah kaddib markii Israa’iil ay Somaliland aqoonsatay dhammaadkii sannadkii 2025, taas oo dhalisay dood cusub oo ku saabsan mustaqbalka aqoonsiga Somaliland iyo jihada ay qaadan karto siyaasadda Washington ee Geeska Afrika.

African Geopolitics waxay sheegtay in arrintani si weyn u soo jiidatay dareenka iyo xiisaha siyaasadda caalamka, iyadoo indhaha diblumaassiyadeed si gaar ah lagu jeediyay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo ololaha aqoonsiga Somaliland ee ka socda Washington. taas oo ku soo beegmaysa xilli Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen goob ay isku hayaan dano amni, dhaqaale iyo juqraafi-siyaasadeed oo isa soo taraya, taasina ay Somaliland gelinayso boos muhiim ah oo ka mid ah xisaabta istaraatiijiga ah ee quwadaha caalamka.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee xeebaha Somaliland iyo doorka caalamiga ah ee Dekedda Berbera, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo u dhow mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga baddaha adduunka. Sida ay warbixintu tilmaamayso, Berbera oo muuqaal ahaan deggan ayaa laga yaabaa inay mustaqbalka noqoto goob ay ku kulmaan dano diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni oo waaweyn.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in haddii doodda aqoonsiga Somaliland ay sii xoogaysato, arrintu ay xitaa gaadhi karto miisaska Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Taasina ay dib u soo celinayso su’aasha weyn ee warbixintu dul dhigtay: “Madaxweyne Donald Trump ma isu diyaarinayaa inuu qaado tallaabo ku wajahan aqoonsiga Somaliland?”

Warbixintu waxay sidoo kale sharraxday sababaha ay haatan u kordheen danaha iyo xiisaha Maraykanka ee Somaliland, iyadoo arrimahaas ku dartay go’aankii Israa’iil, aragtida Washington ee gobolka, doorka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, iyo muhiimadda sii kordhaysa ee Berbera iyo Somaliland ee siyaasadda juqraafiyeed ee caalamka. Sidoo kale waxay tilmaantay in xiligan oo uu soo dhowaanayo shirka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada New York, ee dalka Maraykanka uu wakhtigani Somaliland u noqon karo marxalad muhiim ah oo saamayn ku yeelan karta jihada doodda aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale, African Geopolitics waxay xustay in Somaliland oo muddo ku dhow 34 sannadood ku jirtay nidaam siyaasadeed oo deggan, xasilooni, amni, isla markaana dhisatay hay’ado dawladeed, nidaam dimuquraadi ah oo shaqeeya, ciidan, lacag u gaar ah iyo hannaan siyaasadeed oo ay iyadu leedahay. Waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay qabato doorashooyin joogto ah, isla markaana muddo dheer ku dadaalaysay inay bulshada caalamka u muujiso inay tahay saaxiib siyaasadeed oo la isku halayn karo.

Sida ay warbixintu sheegtay, go’aankii Israa’iil ay Somaliland ku aqoonsatay dhammaadkii 2025 ayaa wax ka beddelay qaabkii hore ee doodda diblomaasiyadeed ee Somaliland. Warbixintu waxay ku tilmaantay tallaabada Israa’iil mid aan ku koobnayn oo keliya xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, balse uu ahaa go’aan istaraatiiji ah oo dhaliyay su’aalo cusub oo ku saabsan kaalinta Somaliland ee tartanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Waxay si gaar ah u soo bandhigtay su’aal iyo is-weydiin qoto dheer oo ku salaysan in Somaliland noqon karto albaab ay quwadaha kale ee caalamku uga soo gudbaan Geeska Afrika, iyadoo tallaabada Israa’iil ay sidoo kale fariin siyaasadeed u dirayso Washington.

Warbixintu waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay sababaha Washington ku riixi kara inay mustaqbalka aqoonsato Somaliland. Waxay tilmaantay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku sii xoogaystay sannadihii 2024 iyo 2025, xilligaas oo ay Somaliland booqdeen saraakiil iyo diblomaasiyiin Maraykan ah, kuwaas oo qayb ka qaatay kobcinta xidhiidhka labada dhinac. Warbixintu waxay arrintan ku xidhiidhisay isbeddellada amni iyo juqraafi-siyaasadeed ee ka socda Badda Cas iyo Geeska Afrika, halkaas oo ay sii kordhayaan danaha Maraykanka iyo quwadaha kale ee caalamku ka leeyihiin marin-biyoodka iyo goobaha istaraatiijiga ah.

Warbaahinta African Geopolitics waxay farta ku fiiqday sida shirka Qaramadda Midoobay ee sannadkan ka qabsoomaya Newy York uu muhiimad gaar ah ugu yeelan karo qadiyadda Somaliland, gaar ahaan iyadoo ay sii kordhayaan danaha caalamiga ah iy oistaraatiijiyadda gobolku. Warbixintu waxay arrintan ku soo koobaysaa sidan: “Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York wuxuu noqon karaa marxalad muhiim u ah Somaliland. Shirarka waaweyn ee caalamiga ah ayaa mararka qaar noqda goob ay dowladuhu ku shaaciyaan go’aanno diblomaasiyadeed oo waaweyn. Haddii Washington ay mar uun go’aansato inay Somaliland aqoonsato, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu noqon karaa meel astaan ahaan muhiim u ah in go’aankaas lagu muujiyo,”.