Waxaa laga joogaa in ka badan 10 sano tan iyo markii ugu horreysay ee Warbixinta Farxadda Adduunka la soo saaray 2012. Tan iyo markaas, Qaramada Midoobay waxay soo saartay qiimeyn sannadle ah oo ku saabsan dalalka ugu farxadda badan adduunka: Tani iyo waqtigaas, adduunka masiibooyin sannado badan socotay ayaa soo maray, masiibooyinkaasi waa kuwo dabiici ah iyo dagaallo. Laakiin Qaramada Midoobay iyo dowladaha adduunka oo dhan weli waxa ka go’an inay ogaadaan waxa dhabta ah ee dadka ka dhigaya kuwo faraxsan. Qiimaynta farxada looga jeedaa ama loo samaynayaa si loo helo siyaasado lagu kordhinayo fayoobaanta.
Cilmi-baadhistan , samadka 2026, oo la sii daayey dhowaan, waxay ku salaysan tahay celcelis saddex sano ah oo ah qiimaynta dad kasta tayada noloshooda. Waxay tixgelinaysaa lix arrimood oo muhiim ah oo saameeya farxadda: taageerada bulshada, dakhliga, caafimaadka, xorriyadda, deeqsinimada, iyo maqnaanshaha musuqmaasuqa. Waxay sidoo kale baadhaa qaybinta farxadda ee dalalka. Waxa kale oo la eega waddamada faqriga ah, waxaana dhacda in dalalka faqriga iyo dagaaladu ay wadamo badan oo xasiloon ka farax badan yihiin.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee laga bartay warbixinta 2026 ayaa ah xaqiiqda ah in isticmaalka baraha bulshada uu gacan ka geysanayo “hoos u dhaca wanaagga dhalinyarada ku nool wadamada ku hadla Ingiriisiga,” gaar ahaan Maraykanka, Kanada, Australia, iyo New Zealand; gaar ahaan gabdhaha. Xaqiiqdii, “sahan caalami ah oo lagu sameeyay 15-jirka ku dhawaad 50 waddan ayaa tilmaamaya in isticmaalka badan ee baraha bulshada uu celcelis ahaan, hoos u dhac weyn oo ku yimid wanaagga ardayda la wareystay.” Iyada oo warbixintu ay ogaatay in dadka da’da yar ee isticmaala baraha bulshada wax ka yar hal saac maalintii ay soo sheegaan heerarka ugu sarreeya ee wanaagga, waxay sidoo kale muujineysaa in heerarkaas fayoobaanta sarre ay haystaan kuwa aan isticmaalin baraha bulshada gabi ahaanba.
Marka aynu eego dalalka ugu farxada badan mar kale, Finland waxay gashay kaalinta koowaad iyada oo ah dalka ugu farxadda badan adduunka—sanadkeedii sagaalaad ee isku xigta. Waa sheegasho caan ah oo ay ku muujinayaan in guddiga dalxiiska ee Finland uu bixinayo safarro bilaash ah oo lagu tago Finland si loogu ballaadhiyo tirada farxadda ee socotada nasiibka leh.
Sannadka 2026, Maraykanka kuma jiro 10-ka waddan ee ugu farxadda badan, haddana wuxuu ku jiraa kaalinta 23aad, taas oo hal tallaabo ka sarreysa booskiisii hore ee lambarka 24aad sannadkii 2025. Taasi waxay ahayd booskii ugu hooseeyay abid ee darajada farxadda adduunka. Maraykanka waa mid ka mid ah dhowr waddan oo dhimashada ismiidaaminta ama isticmaalka maandooriyaha ay weli sarreyso oo ay sii kordheyso. Adduunka oo dhan, dhimashada quusta ayaa hoos u dhacday tan iyo 2000 75% 59 waddan oo lagu daray daraasadda.
Sahankan sanadkan waa sannadkii labaad oo xidhiidh ah oo ay 10-ka ugu sareeya ku yar yihiin ama aanay ku jirinba waddamo ku hadla Ingiriisiga. Costa Rica ayaa ku jirta waxay gashay kaalinta afraad, waana tii ugu sarreysay ilaa hadda, Switzerlandna waxay dib ugu soo laabatay 10ka ugu sarreeya ka dib markii ay si lama filaan ah uga maqnayd sannadkii hore.
Iceland waa kaalinta labaad, Denmark waa 3aad, afraad Costa Rica, shanaad Sweden, lixaad Norway, 7aad Netherland. Wamada Aasiya Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa ugu sareeya farxada waxay kula jiraan kaalinta 21aa iyo 22aad. Africa warbixintu waxay dhigtay kaalinta 81aad oo Libiya. Ingiriisku wuxuu ku jiraa kaalinta 29aad.



















