Somaliland Oo Caalamka U-muujisay Awoodeeda Amni ee Geeska Afrka

0
9

Hargeysa (Dawan) Washington, D.C. (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale dunida u muujisay in ay tahay lammaane iyo saaxiib lagu kalsoonaan karo, isla markaana leh muhiimad amni iyo mid istaraatiijiyadeed oo si gaar ah uga dhex muuqata Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulamada iyo wada-hadallada uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) magaalada Washington kula yeeshay masuuliyiin, xildhibaano iyo khubaro Maraykan ah, waxay fursad u noqdeen in si toos ah loo soo bandhigo aragtida Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsan amniga gobolka Geeska Afrika, ilaalinta marin-biyoodka caalamiga ah, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale.

Muhiimadda Somaliland kuma koobna oo keliya halka ay kaga taallo khariidadda. Waxay leedahay xeeb dheer, Dekedda Berbera iyo marin istiraatiiji ah oo ku dhow mid ka mid ah waddooyinka ganacsi ee ugu muhiimsan dunida. Sidaa awgeed, xasilloonida Somaliland iyo iskaashigeeda dhinacyada amniga waxay saamayn ku yeelan karaan amniga iyo isu-socodka ganacsiga ee gobolka.

Waxa kale oo mudan in la xuso in Somaliland ay sannado badan muujinaysay rabitaankeeda ku aaddan iskaashi caalami ah oo ku salaysan nabad, amni, ganacsi iyo horumar. Waayo-aragnimada ay ka leedahay doorashooyinka iyo kala-guurka siyaasadeed ee nabadoon, waxay ka mid yihiin qodobbada ay Somaliland ku soo bandhigayso marka ay la macaamilayso saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Booqashada Washington waxay Somaliland siisay fursad ay codkeeda si toos ah ugu gudbiso fagaarayaal siyaasadeed oo caalami ah iyo kuwo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhinaca diblumaasiyaddas. Kulamada lala yeeshay hay’adaha fikirka, xubnaha Congress-ka iyo bah-wadaagta caalamiga ah waxay muujinayaan in dawladda Maraykanka iyo saaxiibadeedas caalamiga ahi ay si dhab ah u fahmeen doorka ballaadhan ee Somaliland ay ku leedashay gobolka, kuwaas oo ah kuwo ka ballaadhan kaliya arrimaha siyaasadda, balse saamayn togan ku leh amniga badda, ganacsiga, maalgashiga iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Sidoo kale waxa xusid iyo bogaadin mudan in xukuumadda Somaliland ay sii xoojinayso farriinteeda caalamiga ah ee la xidhiidha doorkeeda istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka iyo guud ahaan ta caalamka ba. Somaliland waxay si cad u muujisay in ay diyaar u tahay iskaashi ku salaysan danaha labada dhinac, ilaalinta amniga gobolka iyo fududaynta isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, muddadii ay xilka haysay waxay samaysay dadaallo diblumaasiyadeed oo dheeraad ah kuwaas oo fagaarayaasha caalamka lagu soo bandhigayo doorka wax ku oolka ah ee Somaliland ku leedashay gobolka. Dedaaladaas oo xukuumaddu mddooyinkii u dambeeyay si  joogto ah ugu soo bandhigaysay caalamka, iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad firfircoon, iskaashi caalami ah iyo siyaasado gudaha ah oo sii xoojinaya xasilloonida iyo kalsoonida.

Sidaa darteed, safarka Madaxweynaha ee Washington waxa uu Somaliland u ahaa madal ay dunida ugu muujinayso in ay leedahay goob istiraatiiji ah, waayo-aragnimo amni iyo rabitaan ay kaga qayb-qaadanayso dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo ganacsiga gobolka.