Cardiff (Dawan) Professor Eid Ali Ahmed, oo ka mid ahaa xubnihii dhaqdhaqaaqii ururkii UFFO isla markaana muddo dheer ka tirsanaa bulshada Somaliland ee Wales, ayaa dib u xusuustay dhacdo taariikhi ah oo dhacday 44 sano ka hor, xilli uu ka badbaaday xadhig iyo xabsi, ay dawladdii milatariga ahayd ee kaligii-taliye Siyaad Barre u jeelka u taxaabay in ka badan 20 xubnood oo ka mid ahaa asxaabadiisii iyo halgamayaashii ay ka wada tirsanaayeen ururka UFFO.
Warbixin caalami ah oo lagu daabacat warbaahinta Nnation Cymru/, Eid iyo koox aqoonyahanno ah oo loo yaqaanay UFFO ayaa sannadihii 1980-meeyadii ka doodayay xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolladdii la isku odhan jiray waqooyiga Soomaaliya, (Somaliland-ta maanta) iyaga oo dhaliilayay sida khayraadka dalka loo qaybinayay iyo xaaladda adage e ay ku noolaayeen bulshada JSL. Sida warbixintu sheegtay, xubno badan oo kooxdaas ka tirsanaa ayaa la xidhay dayrtii 1981, waxaana 20 February 1982 lagu xukumay xabsi, iyada oo xubnaha qaarkood lagu xukumay xabsi daa’in.
Eid Ali Ahmed xilligaas dalka kuma sugnayn. Waxa uu ganacsi ku lahaa Jabuuti, waxaana loo sheegay in haddii uu Soomaaliya ku soo laabto la xidhi doono. Sidaas darteed, waxa uu go’aansaday inuu sii joogo dibadda, tallaabadaas oo markii dambe u saamaxday inuu sii wado hawlihiisa siyaasadeed isaga oo xor ah. Sida warbixinta lagu sheegay, UFFO markii dambe waxa ay door ka qaadatay horumarkii dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee horseeday samaysankii Somali National Movement (SNM). SNM waxa uu noqday dhaqdhaqaaq hubaysan oo dagaal la galay xukuumaddii Siyaad Barre, waxaana 1991 ka dib Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii luntay 1960.
Eid Ali Ahmed ayaa sheegay in xadhigga saaxiibbadiis uu xilligaas ahaa dhirbaaxo weyn, balse aanay arrintaasi niyad-jab ku keenin dadaalkooda. Waxa uu sidoo kale xusay xaaladdii adkayd ee bulshada Somaliland ku sugnaayeen xiligaas iyo fursadihii waxbarasho oo laga qadiyay bulshada ka soo jeeda Somliland, isaga oo sheegay in dhalinyaradii doonaysay waxbarashada jaamacadeed ay u baahnaayeen inay u safraan Muqdisho ama dibadda.
Kadib markii uu ka baxay gobolka, Eid waxa uu ugu dambayn u guuray Boqortooyada Midowday, isaga oo degay magaalada Cardiff ee Wales. Waxa uu markii dambe noqday ku-xigeenka madaxa fulinta ee Welsh Refugee Council, isaga oo door ka qaatay arrimaha qaxootiga iyo bulshada soo-galootiga ah.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay xidhiidhka muddada dheer ee ka dhexeeya Cardiff iyo bulshada Somaliland. Eid waxa uu sheegay inuu si gaar ah u qadariyo soo dhowaynta ay Wales u fidisay dadka Somaliland, isaga oo xidhiidhka labada dhinac ku xidhay taariikhdii Cardiff oo ahayd deked weyn oo dhuxul dhoofisa.
Mid ka mid ah xubnihii UFFO ee xabsiga galay, Omer Esse, oo markii dambe noqday wasiir ka tirsanaa xukuumaddii ugu horreysay ee Somaliland ka dhalatay 1991, ayaa isaguna ka hadlay dhacdooyinkaas. Waxa uu sheegay in xadhiggiisu ahaa saddex sano, isla markaana xaaladaha xabsigu ay aad u adkaa. Waxa uu sidoo kale sheegay in go’aankii Eid uu dalka kaga maqnaaday uu u saamaxay inuu si xorriyad a h u sii wado hawlaha uu aaminsanaa.
Professor Eid Ali Ahmed, waxa uu sidoo kale dib u xusuustay warqad ay saaxiibbadiis xabsiga laga sii daayay u soo direen 13 August 1989, taas oo ay ugu mahadcelinayeen dadaalladii caalamiga ahaa ee Professor Eid sameeyay iyo kaalintiisii wax ku oolka ahayd ee uu ku qaatay taageerada maxaabiista siyaasadeed iyo in ay dib u helaan xorriyadooda.
Warqaddaasi, sida lagu soo bandhigay maqaalka, waxay muujinaysay in xubnihii UFFO ay xilligaas aaminsanaayeen in waddada xorriyaddu ay dheer tahay, balse ay u baahnaayeen dulqaad, dib-u-habayn iyo sii wadidda dadaalka. Sheekada Eid Ali Ahmed waxay sidaas ku noqotay xusuus ka tarjumaysa marxalad muhiim ah oo taariikhda siyaasadeed ee Somaliland ah: laga soo bilaabo xadhiggii xubnihii UFFO ee 1982, ilaa halgankii SNM, dib-u-dhiskii Somaliland iyo dadaalka muddada dheer socday ee aqoonsi caalami ah.
Afartan iyo afar sano kadib, dhacdooyinkii 1982 waxay weli qayb ka yihiin xusuusta siyaasadeed ee jiilkii ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyadaas, halka Eid Ali Ahmed uu maanta noloshiisa u kala qaybiyo Cardiff iyo Hargeysa, isaga oo sii xusuusanaya kaalintii uu isagu iyo asxaabtiisu ku lahaayeen taariikhdaas. Warqaddan oo ay saxeexeen xubnihii UFFO ee xabsiga laga sii daayay waxay uga mahad celiyeen dadaalladii uu u galay sii-dayntooda iyo doorkii isaga iyo ururkiisu ay ka qaateen taageeradii iyo agabkii ay ka heleen Amnesty International intii ay xidhnaayeen.
Waxa kale oo ay sheegeen in dadaalkiisii aanu noqon mid khasaaray, balse ay kaalin weyn ka qaadatay sii-dayntooda (Xubnaha UFFO) iyo maxaabiistii kale ee siyaasadeed, isla markaana waxqabadkiisu muujinayo in dadaalladii uu u galay xorriyaddooda ay ugu dambayntii midho dhaleen. Waxay xuseen in jidka loo maro xorriyaddu uu weli dheer yahay, loona baahan yahay samir iyo dib-u-habayn si loo gaadho ujeeddadii ay hiigsanayeen.
Warqadda waxa saxeexay Maxamed X. Maxamuud Cumar, Dr. Cusmaan Cabdi Maygag, Axmed Xuseen Abbi, Aadan Warsame Siciid, Dr. Aadan Yuusuf, Cabdillaahi Cali Yuusuf (Olad), Maxamed Baaruud Cali, Axmed Maxamed Yuusuf (Jabaane), Maxamed Cali Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi X. Aadan.



















