Hungary ayaa amartay 10 diblomaasiyiin Ruush ah inay ka baxaan dalka, iyaga oo ku eedeeyay inay ku kaceen falal “aan la aqbali karin” oo ay sheegtay in aanay la jaan qaadi karin xaaladdooda diblomaasiyadeed. Anita Orban, ra’iisul wasaare ku xigeenka Hungary iyo wasiirka arrimaha dibadda, ayaa Salaasadii sheegtay in go’aanka lagu ilaalinayo “ammaanka iyo madaxbannaanida Hungary” aanu macnaheedu ahayn in waddanku “uu joojinayo xidhiiidhka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Ruushka”.
Afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee TASS ee Ruushka inay ballan qaaday jawaab “adag oo xanuun badan”. Hungary waxay ka mid ahayd xulafada yar ee Midowga Yurub xidhiidhka la lahaa Ruushka ka dib markii ay si buuxda u weerartay Ukraine sannadkii 2022. Dowladdii hore, xidhiiidhka Budapest iyo Moscow wuu diirnaa.
Ra’iisul wasaarihii hore Viktor Orban ee ku guuldareysatay doorashadii Abriil ee la soo dhaafay ka dib markii uu 16 sano xukunka hayey, ayaa la sheegay inuu u sheegay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin: “Aad baan kuugu adeegayaa” intii lagu jiray wicitaankii taleefanka ee sannadkii hore. Hungary waxay qaadatay “go’aan sharci ah”, sida uu u sheegay afhayeenka Midowga Yurub Christian Wigand wariyeyaasha, isaga oo intaa ku daray in Midowga Yurub “uu sii wadi doono isku dubaridka si dhow” xaaladda. Dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa eryay diblomaasiyiinta Ruushka ka dib dagaalkii Moscow ay ku qaaday Ukraine, laakiin Hungary ilaa hadda kama mid ahayn.



















