Safarka Aqoonsigga Somaliland: Cod Mideysan Wada-jir Qaran iyo Diblomasiyad Firfircoon

0
15

New York (Dawan) Dedaallada Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee la xidhiidha raadinta aqoonsi caalami ah ayaa maraya marxalad cusub oo ay muuqato isku-xidhnaan sii kordhaysa oo u dhaxaysa hay’adaha dawladda, xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo qurba-joogta. Qaraarka ay sida wadajir ah u soo saareen labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo taageerada uu muujiyey xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa muujinaya in qaddiyadda aqoonsigu ay tahay arrin ka gudubtay xuduudaha tartanka siyaasadeed ee gudaha.

Qaraarka Baarlamaanka JSL waxa uu si faahfaahsan u dul istaagay doodda Somaliland ee ku salaynaysan dalabkeeda aqoonsi, oo ay ka mid yihiin taariikhdeeda, nidaamka dastuuriga ah, doorashooyinka dimuqraadiga ah, hay’adaha dawladeed iyo kaalinteeda ku aaddan amniga gobolka. Sidoo kale, qaraarku waxa uu doodda sharci ee dawladnimada iyo aqoonsiga Somaliland ku xidhay Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda iyo Waajibaadka Dawladaha, isaga oo si gaar ah u tixraacaya Axdiga Montevideo ee 1933.

Labada gole ee Baarlamaanku waxay caalamka si cad ugu muujiyeen Jamhuuriyadda Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha dawlalnimo ee uu dhigayo Axdiga Montevideo, kaas oo qeexaya afar shuruudood oo aasaasi u ah dawladnimada: dad joogto ah, dhul qeexan, dawlad si wax-ku-ool ah u shaqaysa iyo awood ay xidhiidh kula yeelan karto dawladaha kale. Qaraarku waxa uu si cad u qeexay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudahaas, isla marankaana ay leedahay hay’ado dawli ah, nidaam dastuuri ah, awood maamul iyo xidhiidho ay ay la wadaagto dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale, qodobkan ay soo saareen labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, wuxuu muujinayaa jihada ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad u marayso xaqa sharci ee Somalialnd iyo dariiqa ay ku dhisan tahay doodeeda diblomaasiyadeed ee caalamiga ah. Sidaas darteed, muhiimaddu ma aha oo keliya in la muujiyo waxa Somaliland doonayso, balse sidoo kale in si joogto ah loo soo bandhigo waxa ay hay’adaha Somaliland qabteen, sida ay u shaqeeyaan iyo kaalinta ay ku leedahay xasilloonida gobolka. Arrinta amnigu waxay ka mid tahay qodobbada ugu muhiimsan ee qaraarka. Somaliland waxay doonaysaa in la xuso kaalinteeda ku aaddan amniga Gacanka Cadmeed iyo la-dagaallanka budhcad-badeedda iyo dambiyada abaabulan. Juqraafi ahaan, goobta Somaliland kaga taallo Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas, taas oo Somaliland siinaysay muhiimad dhinaca iskaashiga amniga caalamiga ah ah.

Dhanka kale, taageerada uu Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Cabdicasiis Samaale, u muujiyey Madaxweynaha Somaliland waxay leedahay macne siyaasadeed oo xusid mudan. Inkasta oo ay jiraan kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo gudaha ah, haddana taageerada qaddiyadda aqoonsiga marka ay timaaddo waxay muujin kartaa in arrintan loo arko dan qaran oo ka sarreysa loollanka xisbiyada.

Sidoo kale, isu-soo-baxyada ay sameeyeen qurba-joogta Somaliland, gaar ahaan kuwa ku nool Maraykanka, waxay muujinayaan in bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibadduba ay doonayaan inay door ka qaataan ololeyaasha diblomaasiyadeed. Isku-duubnida noocan ahi waxay muhiim u tahay farriinta Somaliland u gudbinayso saaxiibbada caalamka. Si kastaba ha ahaatee, dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga caalamiga ahi waxa uu marayaa marxalad mudan in si gaar ah loo xuso, iyadoo diblomaasiyad firfircoon, taageero siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq bulsho ay sii xoojinayaan farriinta Somaliland ee ku wajahan beesha caalamka.

Sidaa darteed, taageerada xisbiyada siyaasadeed, qaraarka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo garab-istaagga shacabka iyo qurba-joogtu waxay muujinayaan isku-duubni sii kordhaysa oo ku aaddan qaddiyadda aqoonsiga. Sidaa Darteed, Somaliland waxa ay haysataa fursad ay ku sii xoojiso dooddeeda sharci iyo siyaasadeed, kuna ballaadhiso xidhiidhadeeda caalamiga ah, isla markaana si kalsooni leh oo nidaamsan ugu soo bandhigto caalamka taariikhdeeda, nidaamkeeda dimuqraadiyadeed, xasilloonideeda iyo doorkeeda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.