Hargeysa (Dawan) Warbixintii cusub oo ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee Horn of Africa Strategic Review (HOASR), ayaa iftiimisay muhiimadda sii kordhaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay loollanka istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo isbeddellada amni ee Yemen, baahida Itoobiya ee marin-badeed iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay Somaliland siinayaan fursado cusub.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in dekedda Berbera ay tahay hanti istaraatiiji ah oo Somaliland u horseedi karta fursado dhaqaale, ganacsi iyo iskaashi caalami ah. Waxa lagu xusay warbixinta in goobta ay ku taallo Somaliland, Gacanka Cadmeed iyo u dhawaanshaheeda marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah, ay ka dhigayaan marin muhiim ah oo ay si weyn u danaynayaan quwadaha doonaya inay xoojiyaan amniga badda iyo isku socodka badeecadaha.
Warbixintu waxay tilmaantay in isbeddellada xaaladaha amni iyo colaadda Yemen ay si rasmi ah u muujiyeen baahida loo qabo dekedo lagu kalsoonaan karo iyo kaabayaal badeed oo muhiim u ah ganacsiga gobolka. Iyada oo xustay in Somaliland ay fursad u haysato inay muhiimaddan juqraafiyeed u beddesho maalgashi, koboc dhaqaale iyo xidhiidho caalami ah oo waara. HOASR waxay sidoo kale iftiimisay in baahida Itoobiya ee marin-badeed ay weli tahay arrin muhiim u ah siyaasadda Geeska Afrika. Waxaanay tilmaantay in Somaliland ay arrintan ka faa’iidi karto a iyada oo horumarisa xidhiidh ganacsi oo ku dhisan iskaashi iyo dano wadaag, gaar ahaan isticmaalka dekedda Berbera.
Horn of Africa Strategic Review waxa ay sheegtay in heshiis ganacsi oo oo dhex-mara Itoobiya uu Somaliland u abuuri karo dakhli ballaadhan, shaqooyin iyo fursado maalgashi, halka Itoobiya ay heli karto marin ganacsi oo lagu kalsoonaan karo. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in socdaalkii Madaxweyne Cirro ee Maraykanku uu soo bandhigay saamaynta sii xoogaysanaysa ee doodaha Washington ee ku saabsan muhiimadda Somaliland.
Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in doodaha ka socda xarumaha siyaasadda iyo daraasaadka ee dalka Maraykanku ay si weyn xoogga u saarayaan kaalinta Somaliland kaga jirto amniga badda, ganacsiga caalamiga ah iyo danaha istaraatiijiyadeed ee Maraykanka. Waxa lagu xusay in doodahaasi ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo Somaliland u abuurayo fursado cusub iyo madal ay si xooggan ugu soo bandhigto muhiimadda ay u leedahay xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah, taas oo ugu dambayn suurogelinaysa in Somaliland ay si wax ku ool ah uga faa’iidaysato xidhiidhada ay la leedahay quwadaha kala duwan, oo ay ku jiraan Imaaraadka, Israa’iil iyo Maraykanka.




















