Jerusalem Center for Security: ”Danaha Istaraatiijiyadeed ee Saudi Arabia oo Iftiimiyay Muhiimada Somaliland”

0
12

Berbera iyo Riyadh: “Xudunta Danaha Amni ee Isku Soo Dhawayn Karaya Somaliland iyo Sacuudi Arabiya”

Iskaashiga Somaliland iyo Sucuudiga Wuxuu Fursad u Noqon Karaa Amniga Gobolka

Hargeysa (Dawan) Daraasad cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baadhista ee Jerusalem Center for Security and Foreign Affairs ayaa sheegtay in Dawladda Sucuudi Arabiya ay Somaliland u aragto lammaane istaraatiiji ah oo muhiim u ah sugidda amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab. Falanqayntan khubarada xarunta JCFA, waxay si gaar ah u iftiiminaysaa muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland iyo doorka ay Dekedda Berbera ka qaadan karto ilaalinta marinnada ganacsiga, la-socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo xoojinta iskaashiga amniga badda

Daraasaddu waxay sheegtay in Somaliland ay leedahay door istaraatiiji ah oo sii kordhaya oo ku saabsan amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab, iyadoo ay sii xoogaysanayaan walaacyada gobolka ee la xidhiidha weerarrada Xuutiyiinta, amniga maraakiibta ganacsiga iyo tartanka quwadaha caalamiga ah ee Geeska Afrika. Waxaanay xustay in arrintani ay Somaliland u abuuri karto fursado cusub oo la ku salaysan dhinacyada maalgashiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah. Isla markaana ay suuragelin karto iskaashi cusub oo ku saabsan amniga badda iyo ganacsiga gobolka.

Daraasadu waxay tilmaantayin Somaliland ay leedahay fursad ay ku xoojiso kaalinteeda gobolka, maaddaama ay ku taallo meel muhiim u ah isu-socodka maraakiibta isku xidha Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Taas oo ay ku tilmaantay sababta dhabta ah ee ay tahay in dawladda Sucuudigu ay tixgeliyo iskaashi dhinaca amniga badda ah oo ay xarun u noqoto Dekedda Berbera. Sidoo kale Daraasaddu waxay Dekedda Berbera iyo Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Berbera ku tilmaamaysaa kaabayaal Somaliland siinaya muhiimad gaar ah marka la eego amniga badda iyo isku-xidhka ganacsiga gobolka.

Waxa kale oo ay sheegtay in goobta istaraatiijiga ha ee ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed ay u sahlayso inay door ka qaadato la-socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta, ilaalinta marinnada ganacsiga iyo hawlgallada lagu xoojinayo badbaadada badda. Iyada oo xustay in Berbera ay leedahay kaabeyaal loo adeegsan karo iskaashi ku saabsan ilaalinta maraakiibta ganacsiga, la-dagaallanka tahriibinta hubka, samatabbixinta badda, iyo digniinta hore ee khataraha ka iman kara xeebaha Yemen.

Qodobka ugu mudan ee daraasaddu soo bandhigayso waa qorshaha ay ugu yeedhay venture sovereignty, taas oo macnaheedu yahay in Somaliland lagu qiimeeyo awooddeeda maamul, xasilloonideeda hay’adeed, goobta ay ku taallo iyo awoodda ay u leedahay inay fududayso hawlgallada ganacsi iyo kuwa amniga ee badda. Isla markaana ay dhinacyada caalamiga ahi Somaliland ula macaamilaan lammaane hawlgal oo lagu qiimeeyo awooddiisa dhabta ah, maamulka dhulka iyo waxtarka uu u leeyahay iskaashiga danaha wadajirka ah.

Falanqaynta JCFA waxay soo bandhigaysaa suuragalnimada iskaashi ay danaha Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo Itoobiya qayb ka noqon karaan. Waxa ay tilmaanay in Sucuudiga, oo danaynaya sugidda amniga Badda Cas iyo badbaadada marinnada ganacsiga, uu Berbera ka heli karo fursad uu ku xoojiyo la-socodka khataraha badda iyo iskaashiga amni ee gobolka. Sidoo kale, waxa lagu xusay in dawladda Imaaraadka Carabta, oo maalgashi ku leh Dekedda Berbera ay danaynayso ilaalinta kaabeyaasha ganacsiga iyo fududaynta isu-socodka maraakiibta.

Dhinaca kale, daraasaddu waxay tilmaantay in Israa’iil oo si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland ay tahay lammaane door weyn ka ka qaadan kara horumarinta tiknoolajiyada la-socodka iyo xogta digniinta hore, halka Itoobiya ay danaynayso marin ganacsi oo badeed oo la isku hallayn karo, maaddaama aanay lahayn xeeb badeed. Sidoo kale daraasaddu waxay iftiimisay isku-darka danahaasi, haddii ay hirgalaan in ay Berbera siin karaa kaalinta xarun ganacsi iyo iskaashi amni oo gobolka ah.

Guntii iyo gabagabadii daraasadda Jerusalem Center for Security and Foreign Affairs waxay Somaliland iyo Dekedda Berbera u soo bandhigaysaa hanti juqraafiyeed oo door muhiim ah ka ciyaari karta dadaallada lagu xoojinayo amniga Badda Cas. Iyada oo tilmaanay in fursadda ugu weyn ee Somaliland, ay noqonayso inay muhiimadda juqraafiyeed ee Berbera u beddesho horumar dhaqaale, maalgashi waara, shaqo-abuur iyo iskaashi caalami ah oo la taaban karo, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta danaha qaranka iyo nabadgelyada gobolka.