WAfrican Arguments oo soo Bandhigtay Saamaynta Diblomasiyadda JSL

0
11

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee African Arguments ayaa falanqayn ku samaysay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo gobolka Bariga Dhexe, taas oo salka ku haysa goobta juqraafiyeed ee ay kaga taallo xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas oo isku xidha Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suways, sidoo kale waxay iftiimisay kaalinta xeebaha Somaliland ku leeyihiin marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah.

Warbixintan oo uu Wargeyska Dawan soo xigtay waxa kaleoo ay iftiiminaysaa sida muhiimaddan juqraafiyeed iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somalialnd ay u soo jiidanayaan danaha quwadaha shisheeye, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe, iyo saamaynta ay xidhiidhadaa diblumaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somailand ku yeelan karaan jihada siyaasadeed, dhaqaalaha iyo amni Somaliland.

African Arguments waxa kale oo ay falanqaynaysaa sida xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ahi Somaliland ugu abuuri karaan fursado cusub oo dhinacyada maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo raadinta aqoonsi caalami ah. Taas oo ah qodobada ugu muhiimsan ee dedaaladda xukuumadda Somaliland ay diirrada saarayaan, si ay uga faa’iidaysto xidhiidhadeeda caalamiga ah iyadoo ilaalinaysa danaheeda istaraatiijiyadeed iyo xasilloonida amni ee gobolka.

Dhanka kale, warbixintu waxay dekedda Berbera u aqoonsanaysaa il dhaqaale oo muhiim u ah Somaliland. African Arguments, waxa kale oo ay warbixinteeda ku sheegtay in Dekedda Berbera oo dib u habayn iyo casriyayna ballaadhan lagu sameeyay ay awood buuxda u leedadahay fududaynta adeegyada ganacsiga, isla markaana ay xukuumadda Somaliland u soo saarto dakhli kastam iyo fursado maalgashi. Waxa kale oo ay xustay in goobteeda istaraatiijiga ahi ka dhigayso hanti muhiim u ah ganacsiga iyo amniga marinnada badda ee gobolka.

Falanqaynta warbaahinta African Arguments waxay tilmaamaysaa in doorka darteed, Berbera aanu ahayn keliya deked bixisa adeeg ganacsi, balse sidoo kale ay tahay aalad muhiim ah door ballaadhan ku leh xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo istaraatiijiyadda Somaliland ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga iyo ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale African Arguments waxay tilmaantay in dawladda Imaaraadka Carabtu ay Somaliland la leedahay in ka badan toban sano xidhiidh ganacsi, siyaasadeed, amni iyo mid diblumaasiyadeed iyada oo Dekedda Berbera ay qayb muhiim ah ka tahah xidhiidhkaas. Sida falanqayntu tilmaamayso, xidhiidhkani wuxuu Somaliland siin karaa fursado ay ku ballaadhiso iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga, isla markaana ay ku hesho marinno cusub oo ay kula macaamisho dhinacyada caalamiga ah.