Borama (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in casriyeynta iyo ballaadhinta xarumaha xisbigu ka hirgelinayo gobollada dalka ay qayb ka tahay qorshaha lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga, laguna xoojinayo xidhiidhka uu la leeyahay bulshada iyo taageerayaashiisa.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadalkan ka sheegay munaasibadda uu xadhigga kaga jaray xafiis cusub oo xisbiga WADDANI ka furay gobolka Awdal, isaga oo xusay in xarumaha cusub iyo kuwa la casriyeeyaa ay door muhiim ah ka qaadanayaan isku-dubbaridka hawlaha xisbiga iyo hirgelinta qorshayaashiisa siyaasadeed.
Waxaanu yidhi “Ballaadhinta iyo casriyaynta xarumaha Xisbul Xaakimka WADDANI waa shaqo muhiim ah oo aannu uga gol leennahay dardargelinta shaqada xisbiga, maadaama ay xarumahu saldhiggii xisbiga yihiin”.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddai Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka warbixiyay ballan-qaadkii Madaxwaynaha ee wakhtigii ololaha, waxaanu xusay in ballan-qaadkaasi ahaa barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga, kaasi oo ay xukuumaddu hadda ka shaqaynayso hirgelintiisa.
Gudoomiye Xirsi, ayaa xusay in ay ugu waynaayeen ballan-qaadkaasi dhismaha Jidka Boorama ilaa Baki oo uu sheegay in uu meel wanaagsan marayo, dhismaha Jidka Lawyacaddo ilaa Boorama oo Daraasadiisii dhammatey, dhawaana la bilaabayo iyo dhismaha Madaarka Boorama iyo Dekedda Lughaya oo iyagana la rajaynayo in la hirgaliyo
Waxaanu yidhi.“Wakhtigii ololaha Garoonkaasi waxaanu ka ballan-qaadnay afar Mashruu, waxa ay ahayaaneen waddada Baki ee gebo’gabada ah iyo waddada la bilaabay ee hawsheedu socoto ee Lawyacaddo ilaa Boorama iyo Madaarka iyo Lughaya dekedeeda.
Laba way socdaan, labana waa la hirgelinayaa oo madaarka waxa ina sugaysa banayntiisa inta aan Madaar laga dhigin, Dekeda Lughayana way iman doonaa oo way ku jirtaa qorshihii uu ballan-qaaday xisbigu ee xukuumaduna ku shaqaynayso”
Gudoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in ballan-qaadyadii ugu waawaynaa gobolka Awdal, qaarna hirgelintoodii la waddo halka kuwa kalena la rajaynayo in la bilaabo hirgelitooda oo ay xukuumadu diyaar u tahay inay ka dhabayso.
Gaba’gabadii guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inay xukuumadda ku garab taagan yihiin sidii ay u hirgelin lahayd ballan-qaadyaddii barnaamijka xisbiga ahaa, waxaanu masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaashaba ugu baaqay in niyad-sami iyo calool fayoobi lagula shaqeeyo sio looga midho dhaliyo himilooyika xisbiga iyo xukuumadaba.




















