Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed-nuur Yuusuf Guruje oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa guddoomiyaha xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ku dhaliilay qaabkii loo maamulay mashruucii Xumbaweyne, isaga oo su’aal geliyey halka ay ku dambeeyeen lacag ka badan 150 milyan oo dollar oo la sheegay in mashruucaasi ku baxday.
Guruje ayaa sheegay in aanay muuqan natiijooyinkii laga filayey mashruuca, isaga oo tusaale u soo qaatay maqnaanshaha agabkii, gaadiidkii iyo ceelashii ay reer miyigu xoolaha ka waraabin lahaayeen. Waxa uu qaabka loo maamulay mashruuca ku tilmaamay mid muujinaya maamul xumo, isaga oo Maxamuud Xaashi u jeediyey dhaliilo culus. Waxaanu yidhi. “Mashruucii ugu weynaa ee dooxyadeenna laga fuliyey waxa uu ahaa kii Xumbaweyne, meel uu jaan iyo cidhib dhigay maynaan maqal. Xukuumad sabool ah iyo siyaasad sabool ahi ma jirto ee sidii mashruucii Xumbaweyne loo maamulay ayaa saboolnimo ahayd.”
Guruje ayaa sheegay in inkasta oo la sheegay in mashruuca Xumbaweyne ay ku baxday lacag gaadhaysa 150 milyan oo dollar, haddana aanay muuqan waxqabadkii laga filayey, gaar ahaan kaabayaasha biyaha iyo agabkii loogu talagalay in bulshada iyo reer miyigu ka faa’iidaystaan. Waxaanu yidhi “Bir yar oo meel lagaga tageyna lama arag, baabuur kharaab ah oo dooxa Xumbaweyne yaalla lama arag, moos la dhigay lama arag, ceel xataa reer miyigu xoolaha ka waraabiyaan kuma yaallo, 150 milyanna way ku baxday ayaa la yidhi.”
Xildhibaan Guruje ayaa sidoo kale difaacay xukuumadda Somaliland, isaga oo ka jawaabay dhaliilaha uu sheegay in xisbiga Kaah iyo guddoomiyihiisu u jeediyeen xukuumadda. Waxa kale oo uu su’aal ka keenay falcelinta xisbiga Kaah ee hadalladii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee la xidhiidhay Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanu yidhi.“Laba waynu ogeyn inay innaga soo horjeedeen Aljazeera iyo Soomaaliya, balse waxa aynu fahmi kari weynay waxa ay ka naxeen ee Madaxweynaha Maraykanku yidhi.”
Xildhibaan Axmed-nuur Yuusuf Guruje ayaa guddoomiyaha xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, u saadaaliyey inuu ku guuldarraysanayo doorashada madaxtinimada dalka. Waxaanu yidhi. “Guddoomiye Xaashiyow, waxa sugan inaad mar dhacdo, kolley marka koowaad waad dhacaysaa.”




















