Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’ada NADFOR oo Furay Barnaamij Wacyigelin ah

0
12

Hargeysa (Dawan) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Askar Guuleed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) ayaa shalay daah-furay barnaamij wacyigelin ah. Kaas oo dadka lagaga wacyigalinayo khataraha ay keeni karaan Roobabka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta ayaa waxa uu usoo jeediyay shacabka Somaliland in ay ka fogaadaan meelaha biyo mareenada.Waxaana uu yidhi”Waxa inagu soo beegan roobab laxaad leh,markaa shacabka Somaliland meel kasta oo uu joogo.waxa digniin lagu siinayaa in ay ka fogaadaan meelaha biyo mareenada ah iyo haday meelaha togaga ah ee halista ka iman karto waa in laga durko.waxa laga yaabaa roobabka in ay kala go i waayaan”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) ayaa waxa uu sheegay in barnaamijka lagaga wacyigalinayo dadka roobab la filayo in dalka ka da, i doonaan.Waxaana uu yidhi”Waxa la saadaalinayaa sidii hore loo sheegay in roobab badani ka da, ayaan,taas ayaanu dabo soconaa in aanu wacyigalin ka bixino khataraha roobabka”.

Sidoo kale Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeenka waaxda Wacyigalinta ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Marwo Nafiisa Maxamed Xuseen iyo Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale) ayaa waxa ay tilmaameen in barnaamijka dadka lagaga wacyigalin doono waxyeelada ka iman karta roobabka.