Warbixin Caalamiy ah oo Iftiimiynaysa Sababaha Taariikheed ee Somaliland Kaga Duwan Tahay Dalka Somaliya

0
12

Middle East Forum: “Maxaa Somaliland Loogu Diidayaa Aayo-ka-tashigeeda Jabuuti-na u Tahay Dawlad Gaara”

Washington (Dawan) Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee Middle East Forum Observer ayaa lagu soo bandhigay xaqiiqada siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay ku dooday in xaqa Somaliland u leedahay aayo-ka-tashigeedu leeyahay saldhig taariikheed iyo mid sharci oo mudan in si dhab ah loo eego. Sidoo kale waxa ay isbarbar-dhig ku sameysay taariikhda Somaliland iyo Jabuuti, isla markaana su’aal geliyey sababta Somaliland loogu cadaadinayo inay dib ula midowdo Soomaaliya, halka Jabuuti ay iyadu u madax-bannaan tahay dal gaar ah.

Warbixintan oo uu qoray Michael Rubin oo ah khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda caalamiga ah waxa uu si gaar ah u dhaliilay mowqifka Jabuuti ee taageerada midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, uu 22-ka Oktoobar 2026 magaalada Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha, Wang Yi, isla markaana ay soo saareen bayaan wadajir ah oo lagu taageerayo dawladda fashilantay ee Muqdisho.

Rubin waxa uu ku dooday in mowqifkaasi iska indho-tirayo taariikhda gaarka ah ee Somaliland iyo xaqiiqada ah in Somaliland ay muddo dheer si madax-bannaan isu maamulaysay. Qoraagu waxa uu xusay in Somaliland ay xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960, ka hor intii aanay 1-dii July ee isla sannadkaas si ikhtiraari ah ula midoobin Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray.

Waxa uu tilmaamay in midowgaasi aanu helin ansixin sharci oo dhammaystiran, isaga oo daliishaday warbixin xaqiiqo-raadis ah oo Midowga Afrika soo saaray 2005, taas oo uu sheegay inay aqoonsatay gaar ahaanshaha taariikheed ee dacwadda Somaliland iyo qadiyadda madaxbannaanida.

Rubin waxa kale oo uu ku dooday in Somaliland ay wakhti ka badan muddadii ay ku jirtay midowgii Soomaaliya ay ku naaloonaysay maamul dimuquruaadi ah iyo dawladnimo u gaar ah, tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991. Qoraagu waxa uu dib u eegay taariikhda samaysanka Jabuuti, isaga oo sheegay in Faransiisku qarnigii 19-aad heshiisyo la galay hoggaamiyeyaasha deegaanka, ka hor intii aanu si tartiib-tartiib ah u dhisin maamulkii gumaysiga ee markii dambe noqday Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxa uu isbarbardhiggaas si ku muujiyay in xuduudaha iyo dawladaha maanta ka jira Geeska Afrika ay qayb ahaan ka dhasheen heshiisyo iyo maamulo gumaysi, sidaas darteedna aanu sax ahayn in taariikhda gumaysiga oo keliya loo adeegsado sabab lagu diido doodda Somaliland ee madaxbannaanida. Rubin waxa uu su’aal ka keenay sababta Somaliland loogu cadaadinayo inay dib ugu biirto Soomaaliya, halka Jabuuti ay sii haysanayso madaxbannaanideeda, iyada oo labada deegaanba ay leeyihiin taariikh siyaasadeed oo la xidhiidha gumaysigii reer Yurub iyo isbeddelladii ka dhacay gobolka.

Qoraagu waxa uu Somaliland ku tilmaamay deegaan nabdoon oo muddo dheer ku naaloonaya hay’ado maamul oo shaqaynaya, doorashooyin dimuquraadi ah iyo nidaam dakhli-ururin oo u gaar ah. Waxa uu ku dooday in hannaanka dawladnimada dimuquraadiga ah ee Somaliland uu qayb ka qaatay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu faa’iido u leeyahay dalalka deriska ah, gaar ahaan Jabuuti. Waxa uu sidoo kale ku dooday in aqoonsiga Somaliland uu kaalin weyn ka qaadan karo xoojinta amniga, sugidda xasiloonidas xuduudaha iyo isku dheelitirka awoodaha gobolka.