Xukuumadda Oo Madaarradda JSL Ka Mamnuucday Tigidhada Diyaaradaha Ee Lagu Soo Saaro Nidaamka BSP

0
13

 

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo lagu diidayo tigidhada diyaaradaha ee lagu soo saaray nidaamka BSP ee Soomaaliya, kuwaas oo aan laga aqbali doonin duullimaadyada ka baxaya Madaarrada Caalamiga ah ee Hargeysa iyo Berbera, xataa haddii tigidhadaasi hore loo sii goostay.

Amarkan oo soo baxay 25-ka Oktoobar 2026, ayaa khuseeya tigidhada cusub iyo kuwii hore loo soo saaray, oo ay ku jiraan tigidhada safarka soo-noqoshada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tigidhada duullimaadyada Somaliland laga iibsan karo oo keliya marinnada la oggol yahay, sida bogagga rasmiga ah ee shirkadaha diyaaradaha, xafiisyadooda iyo wakiillada socdaalka ee ruqsadda haysta.

Wasaaraddu waxay shirkadaha diyaaradaha ku amartay inay dib u eegaan nidaamyada iibka tigidhada iyo heshiisyada ay la leeyihiin wakiillada socdaalka, iyadoo loo qabtay 31-ka Oktoobar 2026 inay wakiillada aan buuxin shuruudaha ku wargeliyaan inay sharciyeeyaan xaaladdooda.

Laga bilaabo 1-da Nofeembar 2026, shirkaduhu waxay tigidhada qaybin karaan iyagoo la shaqaynaya oo keliya wakiillada buuxiya shuruudaha ruqsadaha iyo oggolaanshaha Somaliland.

Dhanka kale, shirkadaha diyaaradaha ayaa laga doonayaa inay rakaabka ay arrintani saamaynayso ku wargeliyaan shuruudaha cusub, si loo yareeyo carqaladaha safarka.

Rakaabka hore u qabsaday tigidhada waxa lagula talinayaa inay la xidhiidhaan shirkadda diyaaradda ama wakiilka ay ka iibsadeen, si ay u xaqiijiyaan in tigidhkoodu yahay mid la aqbalayo.

Wasaaradda Duulista Hawada ayaa sheegtay inay kormeer ku samayn doonto fulinta amarka, iyadoo dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo wakiillada socdaalka laga doonayo inay u hoggaansamaan shuruudaha cusub iyo wakhtiyada loo qabtay.