Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga horyimid koox madax-dhaqameed ah oo Muqdisho tagtay, kuwaas oo sheegtay inay Somaliland metelaan, iyaga oo su’aal geliyey cidda ay dhab ahaan wakiilka uga yihiin iyo ujeeddada socdaalkooda. Xildhibaannadu waxay ku adkaysteen inaan kooxdani ku hadli karin magaca Somaliland, iyaga oo ku baaqay in la kala caddeeyo cidda xaqa u leh inay matasho danaha iyo mawqifka qaranka.
Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye, Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug iyo Xildhibaan Ismaaciil Saleebaan Yuusuf ayaa si adag uga hadlay arrintan, iyaga oo si kala duwan u muujiyey diidmadooda ku aaddan sheegashada madax-dhaqameedka Muqdisho tegay.
Xildhibaannadu waxay ku doodeen in sheegashada magac-dhaqameed aanay keligeed qofka siinayn awood uu Somaliland ugu hadlo, gaar ahaan marka ay arrintu taabanayso xidhiidhka Soomaaliya iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka.
Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye ayaa ugu horrayn sheegay in loo baahan yahay in si cad loo qeexo cidda Somaliland xidhiidhka la yeelanayso iyo cidda ay khilaafaadka siyaasadeed ka dhexeeyaan, isaga oo adkeeyey in mawqifka qaranku ku salaysnaado go’aanno cad iyo xeerar la dhaqan-geliyo.
Waxaanu yidihi.“Waa in cidda aynu la col nahay la caddeeyo, afka, ficilka iyo golayaasha iyo xeerarkaba lagu caddeeyo cidda aynu la xidhiidhayno, lana ogaado cidda aynu la macaamilayno,”
Waxa uu intaa ku daray in aanay ku filnayn in go’aanno laga soo saaro socdaallada iyo arrimaha xuduudaha, balse ay muhiim tahay in tallaabo sharci ahi ka dhalato marka la jebiyo xeerarka jira.
“Go’aannada laga soo saaro socdaallada iyo xadadka iyo wixii la mid ah, ciddii ku kacda sharci ayaa qabanaya. Balse shaqsiyaad dusay oo aan waxba laga qabanayn looma baahna in aynu nidhaahno koofiyadba meel aaday. Wax soconaya maaha; waxa uu doonayaa tashi qaran,” ayuu yidhi xildhibaanku.
Sidoo kale waxa uu xusay in labada gole ay hore u soo saareen xeerar la xidhiidha arrimaha qaranka iyo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo uu aaminsan yahay in marxaladdoodii hore dhammaatay.
Dhankiisa, Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug ayaa si toos ah u diiday in kooxdan madax-dhaqameedka ahi Somaliland metesho, isaga oo sheegay in tirada badan ee salaadiinta iyo cuqaasha maanta jirta ay keentay in shakhsiyaad kala duwan sheegtaan magacyadaas.
Waxa uu tirada madax-dhaqameedka ee maanta jirta ku qiyaasay ku dhowaad 3,000, isaga oo barbar dhigay tobankii madax-dhaqameed ee uu sheegay inay jireen sannadkii 1960-kii.
Waxaanu yidhi. “Madax-dhaqameedkii 1960-kii waxay ahaayeen 10, balse imika waxay ku dhow yihiin 3,000.
Marka nimankii aynu warbaahinta ka aragnay ee Muqdisho tegay, ee salaadiinta sheegtay, Somaliland ma matalaan.
Waa la og yahay, ka Xamar joogana wuu og yahay, innaguna waynu og nahay in aanay salaadiin inoo ahayn, waa niman shaqo tegay ee ha la iska daayo, way masruuf doonayeen.”
Xildhibaan Ismaaciil Saleebaan Yuusuf ayaa isaguna si adag u diiday in madax-dhaqameedka Muqdisho tegay ay u socdaaleen difaaca danaha Somaliland, isaga oo sheegay inaanay jirin cid ay metelaan oo ay magaca qaranka ugu hadlayaan.
Waxaanu yidhi. “Waatan la leeyahay salaadiin ayaa tagtay Xamar. Waa niman shaxaad tegay; kuwa Somaliland danteeda u tegay maaha, cid allaale cid ay matalaan ma jirto.
Markii ay busaaradsadeen ayay xaggaasi tageen, cid allaale cid ay matalaan ma jirto,”
Saddexda Xildhibaan ayaa si adag u diiday in madax-dhaqameedkani Somaliland ku metelo Muqdisho, iyaga oo ku adkaystay in magaca qaranka aan lagu hadli karin matalaad iyo awood sharciyeed la’aan, isla markaana kala saaray kaalinta dhaqanka iyo matalaadda siyaasadeed ee qaranka.




















