Isak & Gyokeres Oo Dhaleeceyn Culus Kala Kulmay Taageerayaasha Xulka Sweden

0
84

Xiddigaha weerarka ee Alexander Isak iyo Viktor Gyokeres ayaa wajahaya dhaleeceyn xooggan kadib markii xulka Sweden uu ku fashilmay kulan fadeexad ku noqday oo isreeb-reebka Koobka Adduunka, kaddib guuldarro 1-0 ah oo ay kala kulmeen Kosovo gudaha magaalada Gothenburg. Guuldarradan ayaa ka dhigtay Sweden inay hoos ugu dhacdo kaalinta ugu dambeysa ee kooxdooda, iyagoo leh hal dhibic oo kaliya afar kulan — laba gool ay dhaliyeen, toddobo laga xidhay. Inkasta oo ay haystaan weerar qiimihiisu kor u dhaafayo £200 milyan, oo ay hogaaminayaan xiddigaha Premier League ee Isak iyo Gyokeres, haddana Sweden waxay u muuqatay koox aan lahayn qorshe, isku xidhnaan iyo halis weerar. Waxaa intaas kasii daran, tani ma ahayn natiijo lama filaan ah — Kosovo oo lagu qiimeeyay kaalinta 101-aad adduunka ayaa hadda laba jeer guul ka gaartay Sweden isreeb-reebkan.

Gool uu qeybtii hore dhaliyay Fisnik Asllani ayaa ku filnaaday in uu Kosovo siiyo guul kale oo taariikhi ah, halka ciyaartoyda Sweden ay garoonka uga baxeen iyadoo taageerayaashoodu ay ku buuqayaan niyad-jab iyo caro.

Sweden, oo hal mar ahayd dal soo saara halyeeyo waaweyn sida Zlatan Ibrahimović iyo Henrik Larsson, ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah cutubyadii ugu madoobaa taariikhdeeda kubadda cagta.