Cillada Ugu Weyn Ee Heysata Kobbie Mainoo Oo Bannaanka Loo Soo Saaray

0
76

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Kobbie Mainoo ayaa la daalaa dhacaya fursadaha ciyaar ee uu ka helo tababare Ruben Amorim, waxaana halyeeygii Liverpool Steve Nicol uu sheegay in la “ogaaday” daciifnimadiisa dhanka difaaca.

Nicol, oo la hadlay ESPN, ayaa ku tilmaamay Mainoo inuu yahay ciyaaryahan xirfad leh marka kubaddu gacantiisa ku jirto, balse aan ku filnayn marka kooxda lidka ahi ay haysato kubadda:

“Mainoo waa ciyaaryahan fiican marka kubaddu uu haysto, laakiin marka kooxdu u baahato difaac, wax badan ma bixiyo,” ayuu yidhi Nicol.

Wuxuuna intaas ku daray in kooxaha waaweyn ay doonayaan ciyaartoy awood u leh inay wax ku biiriyaan weerarka iyo difaaca.

Amorim ayaa doorbiday Casemiro oo khibrad badan leh, halka Mainoo aannu weli ciyaarin hal kulan oo Premier League ah oo 90 daqiiqo buuxa ah xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka da’da yar ee reer England ayaa xilli ciyaareedkii hore ahaa xiddig mustaqbal ifaya leh, isagoo dhaliyay gool kulankii final-ka FA Cup ee ay United qaaday koobka, sidoo kale uu boos ka kasbaday xulka qaranka England ee Euro 2024.

Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkii hore ayuu saftay 26 kulan oo Premier League ah balse ma aannu dhalin gool ama caawin. Kulankiisa kaliya ee lagu soo billaabay ee xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa guuldarradii Carabao Cup ee Grimsby Town.

Amorim ayaa weli muujinaya kalsooni, isagoo sheegay: “Waxaan aaminsanahay Kobbie, laakiin weli wuxuu u baahan yahay isbeddel.”