Xamaas ayaa dhawaan cadaadis ku saartay Israa’iil in ay ku darto magacyada maxaabiis Falastiiniyiin caan ah liiska dadka la sii daynayo.
Dalabka adag ee Xamaas ayaa yimid kaddib markii wasaaradda cadaaladda Israa’iil ay shaacisay magacyada maxaabiista la siidaayay, balse laga reebay toddobo maxbuus oo caan ah, oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa’adat.
Raggan oo xukuno lagu riday ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Israa’iil, waxaana dadka reer Falastiin ay muddo dheer u arki jireen calaamado iska caabin ah.
Xamaas ayaa hore u gudbisay liis maxaabiis ah oo ay dooneyso in la sii daayo, kaas oo ay ku jireen Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa’adat.
Barghouti wuxuu wajahayaa xukuno shan ah oo madaxaa ha ku furto ah oo lagu daray afartan sanno oo dheeraad ah, kadib markii lagu helay dambiyo ku saabsan qorsheynta weerarro sababay dhimashada shan qof rayid ah sanadkii 2004-tii.
Ra’yi ururinno isdaba joog ah ayaa muujinaya in Barghouti weli yahay hogaamiyaha ugu caansan ee Falastiiniyiinta, islamarkaana haddii doorasho madaxtinimo la qabto, uu ka guuleysan karo Madaxweynaha haatan ee Maamulka Falastiiniyiinta ama hoggaamiyaha Xamaas .
Barghouti weli waa siyaasi sare oo ka tirsan garabka Fatah, kaasoo haya tallada Maamulka Falastiiniyiinta, maamulkaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo aan si toos ah u hoos imanin xukunka Israa’iil.
Saadat, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda caanka ah ee Xoraynta Falastiin (PFLP), ayaa lagu xukumay 30 sano ka dib markii lagu helay 2008dii inuu madax u yahay “urur argagixiso oo sharci darro ah” iyo ku lug lahaanshiyaha weeraro, uu ku jiro dil wasiir Israa’iil ah sanadkii 2001-dii.






















